(MUUQAALKA)-XIL.TAAKILO IYO XAGAA.
(GARAWE/PUNTLAND)-Xildhibaan Yaasiin Jaamac Cumar (Taakilo) wuxuu aamminsan yahay in Puntland hoggaamiyaheedu sababay in maamul goboleedkii ugu horreeyay Soomaaliya noqday maamul aan saamayn siyaasadeed lahayn. Wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni in dadka Puntland loo sheego “haddii siyaasadda nalagaga adkaaday; siyaasadda waa lagu kala adkaan jiray.” Taakilo hadalkiisa niyadjabku ka muuqdo wuu ka afeeftay markuu sheegtay in muddo lixdan sano ah ay dadka Puntland Soomaaliya u keenayeen barnaamij lagana aqbali jiray. Puntland faanka siyaasadeed ayaa ka weyn run isu sheegga waayo waa maamul madax-ka-nool ah. Taariikh been ma noqoto xanuun-jebiye siyaasadeed. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxaa la haray la-taliyayaal aan waxba kala soconin siyaasadda Soomaaliya. Sanadkii 2022 wuxuu u tartamay inuu noqdo Madaxweyne xilli qeyb badan oo dhulka Puntland ka mid ahaa uu ku jiray gacanta maamulka goosashodoonka xaruntiisu tahay Hargeysa. Madaxweyne Deni xiriirka wadashaqaynta ayuu u jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya sanadkii 2023kii. Intaas waxaa dheer, in Deni fahmi kari waayay saamaynta dagaalkii Laascaanood ee 2023kii. Markii kowaad kaddib 1990kii Hartigu wuxuu noqday beel dhulkeeda iyo danaheeda si geesinimo leh u difaacatay. Siyaasadda Soomaaliya ayaa 360 digree isbeddeshay. Madaxweyne Deni ilaa hadda ma fahmin sida Beesha Caalamku u macnaysatay dagaalladii Calmiskaad oo biilowday 2 sano ka hor. Maadaama Madaxweyne Deni diiddan yahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya saad iyo saanad ku caawiso ciidanka Puntland, Beesha Caalamku waxay maamulka Madaxweyne Deni u aragtaa qowlaysato ganacsi (business clique) ku salaysan ciidammo hab beeleed u dhisan. 20 sano ka hor dakhliga Puntland soo geli jiray 45% waxaa loo diri jiray Dowladdii Federaalka Ku Meelgaarka Ahayd (Transitional Federal Government). Maanta Madaxweyne Deni wuxuu diiddan yahay in ciidammo Punland ay mushaarkooda ka qaadan karaan Dowladda Fedeeraalka Soomaaliya isaga oo og in Dowladda Federaalku hayso kheyraad iyo fursado deeqbixiyayaashu ugu deeqeen maamullada Soomaliya. Xilkdhibaan Taakilo si dadban ayuu u iftiimiyay fashilka siyaasadeed Puntland saameeyay tan iyo 2023kii. Tan iyo sanadkii 2016kii Puntland waxay gashay seddex dagaal. Mid ku dhowaad socday 7 bilood waxay 2023kii la gashay maamulka goosashodoonka. Culayskii difaaca qarannimada Soomaaliya waxaa dusha saartay dadka Puntland waqtigaas. Sanadkii 2016kii Puntland dadkeedu waxay u babacdhigeen weerar dhanka badda ahaa oo lama filaan ahaa oo kaga yimid Al-shabaab. Sanadkii 2024kii dhammadkiisii Punland waxay dagaal soday 17 bilood la gashay Daacish oo ah argagixiso caalami ah. Intaas waxaa dheer ololihii la dagaallanka argagixisada uu maamulka Puntland ka fuliyay Gaalkacyo. Puntland, oo ku caan ah afgaroocnimo siyaasadeed, waxay la’ dahay hoggaamiyayaal u qareema waajibaadka Puntland ka saaran dhowrista qarranimada Soomaaliya iyo helista xaqa kaga maqan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Cabdirisaq Cabdullaahii Xagaa oo mar ahaa Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland, wuxuu ku dooday in “Shabeellada Hoose, Banaadir, Shabeellada Dhexe, Baay iyo Bakool … [ay] jaangoyn doonaan Madaxweynaha Soomaaliya soddonka sano oo socda.” in dhowr gobol oo koonfurta Soomaaliya ku yaalla sida Banaadir ay go’aammin doonaan aayaha siyaasadda Soomaaliya 20ka sano soo socda. Waa runtii. Siyaasadda waxa haga dadka keenaa ra’yi ku salaysan dhallanrog siyaasadeed (political transformation). Puntland markii la asaasay 1998kii, waxay gebi ahaanba dhidibbada u sii adkasay midnimada iyo qarannimada Soomaaliya. Waxay waxqabadkaas ku muteysatay in dooddeedii hirgelin hab federaal ah uu dan u yahay Soomaaliy. Nasiibdaaro, Puntand ayaa noqotay maamul ku caanbaxay awood-meel-isku-keenista (Centralism). Awoodda siyaasadeed iyo dhaqaale ee Puntland waxay ku jirtaa gacanta Madaxweyne Deni. Hadalka Xagaa waa digniin ku salaysan taariikhda siyaasadda ee Soomaaliya. Labo tusaale oo wax laga baran karo ayaa jira. 1- Xisbigii Digil iyo Mirfle (loo yiqiin Hizbiya) wuxuu awood-beelay markii uu saaxadda siyaasadda u banneeyay xisbigii SYL, oo si gaar ah ugu ololeeyay in Soomaaliya madaxbannaani gaarto lana midowdo Waqooyiga oo uu Biritishku ka talinayay. 2- Maamulka goosashodoonka ee Somaliland, oo siyaasiyiinta Muqdisho taageero ka helayay, ayaa Puntland kaga awoodroonaaday siyaasadda habka federaalka ku salaysan kaddib markii Madaxweyne Deni garan kari waayay kaalinta Puntland ku leedahay dowlad dhisidda Soomaaliya. Dareenka niyadjabku ka muuqdo ay si kala duwan dadka ula wadaageen Xildhibaan Taakilo iyo Cabdirisaaq Xagaa waa billow wanaagsan oo horseedi kara in Puntland aysan guuldarrooyinka siyaasadeed ay isu keentay ku eedeynin Dowladda Federaalka Soomaaliya. Puntland kuma sii socon karto mabda’a “ Ha loo daayo shantiisa sano.” Waa mabda’a u hiilliya xoogagga ka soo horjeeda habka federaalka oo ay Soomaaliya qaadatay 22 sano ka hor.
XIGASHO-PP.