XILDHIBAANO KA TIRSAN PUNTLAND OO TAAGEERAY KULANKII Mw.XASAN IYO ISIMADA BARI.

(SAWIRKA)-XIL ADUUNYO IYO XIL.HARUUN.

(GARAWE/PL)-Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa taagaaray kulan ay Muqdisho ku yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka mid ah Isimada Gobolka Bari ee Dawlad Goboleedka Puntland kaas oo la sheegay in looga wadahadlay baahiyaha ka jira Gobolkaas iyo wada-shaqeynta dadka deegaanka iyo dowladda Federaalka. Xildhibaan Cabdirisaaq Sheekh Aduun iyo Xildhibaan Faarah Haruun oo Golaha Wakiillada ka soo gala gobolka Bari ayaa taageeray shirkaas, iyaga oo xusay in ay garab taagan yihiin go’aan kasta oo labada dhinac gaaraan. War-saxaafadeed ay soo saareen labada xildhibaan ayaa lagu yiri “Waxaan si buuxda u taageersanahay dadaallada siyaasdeed iyo wada-tashiga ku saleysan is-afgarad ee ay hormuudka ka yihiin isimada dhaqanka iyo hoggaanka sare ee dalka”. “Markaan si qoto dheer u garowsanay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Puntland, waxaan aaminsanahay in isimadu ay yihiin laf-dhabarta dhismaha dowladnimo, isla markaana ay door muhiim ah ka ciyaaraan dejinta khilaafaadka iyo ilaalinta wadajirka bulshada” ayay raaciyeen. Kulanka ay yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo qaar ka mid ah isimada Bari ayaa hadal-hayn weyn dhaliyay, iyada oo dadka qaarkii ay dhaliileen, islamarkaana ku tilmaameen mid wax u dhimaya midnimada Puntland. Ma aha maamulkii ugu horeeyey ey Isimadiisu la kumaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, waxaane horay ula kulmay Isimo iyo odayaal ka kala socdo maamulo kala duwan.

ISHA-PP.

Previous
Previous

SHIRKII ISLAMABAD OO LA SHEEGAY INUU BURBURAY.

Next
Next

WADA HADALADII ISLAMABAD OO KHATAR UGU JIRA INEY BURBURAAN.