XILDHIBAANO KA HADLAY WAX KA BEDELKA DASTUURKA JFS.
(SAWIRKA)-XIL.CARAB,SENITAR-C/RISAAQ IYO XIL-XAYLE.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Tan iyo markii ey Dawladda Federaalka Soomaaliya ey ku dhawaaqday iney qabaneyso shir u dhexeeyo iyada iyo Mucaaradka ku mideysan daladda ah GOLAHA MUSTAQBALKA SOOMAALIYA”, ayaa waxaa soo ifbaxay warar fara badan oo ku saabsan arrimaha Dastuurka dalka iyo wax ka bedelkiisa, arrimahaan oo horay u ahaa kuwa ku kooban hadalheyntooda baraha bulshada kaliyah ayaa maanta si cad banaanka u yimid ka dib markii xubno ka tirsan Gudiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka ey shir jaraa’id ku qabteen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Xubnaha shirka Jaraa’id qabtay ayaa kala ahaa Xildhibaan C/laahi Carab, Xildhibaan Xayle iyo Senitar C/risaaq Maxamed Xasan, masuuliyiintaan ayaa midba si waxa uu uga hadlay arrinta Wax ka bedelka Dastuurka ee hadda horyaal Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Senitar C/risaaq ayaa ah Ku-xigeenka Gudoomiyaha Gudiga La Socodka iyo Dib u Eegista Dastuurka JFS waxa uuna yiri ’Waxa aan maanta halkaan ka cadeynayaa inuu jiro khilaaf soo kala dhexgalay Gudiga kuna saabsan laba qodob oo kala ah: (1)-Waqtiga dastuurka wax laga bedelay la horgeynaayo BJFS, iyadoo ey jirto Martiqaad ey DFS u fidisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya si ey uga wda hadlaan Doorashada soo socoto, waxa aan soo jeedinay in dib loo dhigo si aan u ogaano waxyaabaha kasoo baxa wada hadalka, taasi ma dhicin oo waxaa la horgeyn doonaa BJFS. (2)-Shanta Cutub ee hadda wax laga bedelay waxaa la tashi lagala sameeyey Dawlad Goboleedyadda Qaarkood iyo Gobolka Banaadir, nasiib adrrase ma eysan dhicin in wada tashi lagala sameeyo dawlad goboleedyadda Jubaland iyo Puntland, waxaane halkaan aan ka cadeynayaa in dadka Soomaaliyeed qaarkood laga qaaday la tashi kuwan aan laga qaadin la tashi. (3)-Waqtiga la horgeynaayo BJFS, waan ku kala aragti duwanaanay, raga aniga hadda ila joogo kana tirsan Gudiga waxa aan qabnay in la isa sugo taasine ma eysan dhicin oo waxaa loo gudbiyey Gudoonka labada Aqal ee BJFS, waxaane la qorsheeyey in taariikhdu markeey tahay 28/1/2026-ka la horgeeyo BJFS si uu ugu codeeyo, arrinkaasne qeyb kamanihin.” Waxaa hadalkii qaatay Xildhibaan C/laahi Xaaji abuukar”C/laahi Carab” waxa uuna yiri “Shanta Cutub ee hadda wax laga bedelay waxaa ku jiro qodob Siyaasi ah oo uu Dastuurk tilmaamaayo in laga heshiiyo eyna ka wada heshiiyaan DFS iyo Dawlad goboleedyadda Xubnaha ka ah DFS, waxaa qodobadaasi ka mid ah: (1)-Garsoorka sida loo qaabeynaayo. (2)-Amniga iyo sida loo qaabeynaayo. (3)-Dakhliga, Maaliyadda sida loo qaabeynaayo iyo Awoodaha DFS iyo Dawladaha Xubnaha ka ah DFS. Xildhibaan Maxamed Xeyle ayaa isagana yiri “Madaxweynaha JFS Md.Xasan Maxamud ayaa ka gudi ahaan shir inoogu yeeray maalintii Khamiista waxa aane u sheegnay in maanta xaaladda ugu muhiimsan ee ummadda Soomaaliyeed ey rabto iney tahay in iyadda la isu keeno, Dastuur aan heysan aqbalaad bulsho maanta la horgeeyo BJFS si ey ansixiyaan uu sababi doono in Dawlad goboleedyadda Jubaland iyo Puntland iney iyagana maraan wadadii ey martay Soomaaliland”. Xildhibaanadda qabtay shirka Jaraa’id kana mid ah Gudiga La socodka iyo dib u eegista Dastuurka JFS ayaa ah kuwa kasoo wada jeedo degaan ahaan DG Jubaland iyo Puntland, waxa eyna taasi ka tarjumeysaa iney ka amar qabaan Hogaamiyeyaashooda Axmed Madoobe iyo Siciid Deni, waayo waxa ey aaminsan yihiin in kuraastood ey dib ugu soo laaban doonaan haddii ey taageeraan Axmed Madoobe iyo Deni. Waxa la yaabka leh ayaa ah in ragaan ey horay uga qeyb qaateen Gudbinta wax ka bedelka Cutubyadda 1 ilaa 4, mana la arag iyagoo taagan warbaahinta madaxa banaan ee magaaladda Muqdisho.
SUUQBACAAD MEDIA/MUQDISHO-SOMALIA.