Xeer ilaalinta Fashilantay iga….

Waxaa maanta maxkamadda G/Banaadir la horkeenay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Caafimaadka,masuuliyiintaan ayaa ku eedaysan musuq-maasuq iyo wax is daba marin. Gudoomiyaha Maxkamadda G/Banadir ayaa sheegay in qoraalka ka yimid xeer ilaalinta kana mid ah eedaynta loo soo jeediyey masuuliiyiinta wasaardda caafimaadka in wax laga soo bedelo waayoo waxa uusan waafaqsaneeyn sharciga xeerka ciqaabta soomaaliyeed,waa nasiib darro in xeer ilaaliyaha qaranka soomaaliyeed uu wax ka aqoon xeerka ciqaabta soomaaliyeed iyo qaabka eey u shaqeeyaan maxkamadaha soomaaliyeed,tan kale qareenadda difaacaayey masuuliyiinta ayaa ku tilmaamay in qoraalka xeer ilaalinta qaranka yahay”Wax la soo dhoodhoobay”macnaha ayaa ah in qoraalka yahay midaan sharciga meel ka waafaqsanayn,xeer ilaaliyaha qaranka oo ah wiil yar lana keensaday meesha loona soo meeriyo waxa uu sameeyhaayo ayaa wajahaayo ruug cadaa sharciga soo quudan jiray muddo ka badan da’ada uu jiro xeer ilaaliyah qaranka,in xeer ilaalinta soo eedaysay masuuliyiintaan eey soo xaadiri weysay fadhiga maxkamadda waa arrin ku cusub maxkamadaha soomaaliya,gudoomiyaha maxkamadda gobolka banaadir oo isna ah mid meesha la keensaday si uu ugu caburiyo shacabka reer Muqdisho ayey ku adkaan doontaan inuu qaab aan sax ahayn wax u wado sida uu arkay maanta,xeer ilaalin fashilantay iga dheh.

Fiirso Video-ga

Previous
Previous

Nisa oo bilawday dhac farsamadeeysan.

Next
Next

Nabad iyo Nolol oo noqotay….