XAALKA MUQDISHO OO MAANTA SI AAD AH U KACSAN,SABABTA?
(SAWIRKA)-MALEESHIYAADKA KHAYRE.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Tan iyo shalay oo ey bishaan Juun ahayd labada, waxaa magaaladda Muqdisho ee ah caasimadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ka jiray dhaqdhaqaaqa ciidan oo si aad ah isaga soo horeeda kuwaaso ey kala wataan DFS iyo Mucaaradka beel weynta Hawiye eyna kala hogaaminayaan Ex.Mw-Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ex-Rw-Xasan Cali Khayre. Masuuliyiintaan ka tirsan Mucaaradka ka soo horjeedo DFS ayaa isaga soo guuray goobihii ey horay uga deganaayeen magaaladda kuwaaso ahaa agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde, waxa eyn u kala guureen: (1)-Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa u guuray Miranaayo oo ku taalo degmada C/casiis ee B/banadir waxa eyna dhacdaa Waqooyiga Caasimadda Muqdisho, waxa uuna Shariifku halkaasi ka sameystay saldhiga weyn uu ka soo abaabulaayo banaanbaxa ey rabaan iney sameeyaan Mucaaradka Hawiye maalinta berri ah kuna beegan Khamiis 4/6/2026-ka. Sida ey sheegayaan ila wareedyo ku dhaw Shariifka, waxaa habeenkii Talaadada soo geleysay dhinaca Waqooyi ee magaaladda Muqdisho soo gaaray Maleeshiyaad taabacsan Shariifka kuwaaso tiradooda lagu qiyaasay iney dhan yihiin ilaa 300-Maleeshiyo. Ka dib markii ey soo gaareen xarunta uu degan yahay Shariifka ee Miranaayo ayaa Maleeshiyaadka waxaa loo qeybiyey dharka Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo koofiyadaha lagu yaqaano ilaaladda Madaxtooyadda ee Guduudan, waxaa loo raaciyey weji qariyeyaal(face Mask) si aan loo aqoonsan wejiyadooda bacdamaa laga yaabo in iyaga qaarkood ey ka tirsan yihiin Ciidamadda DFS. Maleeshiyaadkaan ayaa Miranaayo ka degan ilaa 7-guri uuna ugu weyn yahay gurigii uu horay u deganaay Gudoomiyihii hore ahne duqii hore ee caasimadda Muqdisho Md.Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). Gurigaan ayaa ah mid ka sokeeyo Miranaayo, waxa eyna Maleeshiyaadka taabacsan Shariifka isku fidiyeen ilaa Gurigii AUN-Mw.Cali Mahdi Maxamed, dhismayaashaan ayaa dhammaantod ah kuwa saaran Laamiga ee aaga gurigii hore ee Madaale ee ka soo horjeedo guriga reer Boqol Soon. Maleeshiyaadkaan soo gaaray guriga Sharifka ee Miranaayo ayaa shalay lagu marti sooray ilaa laba geel ah, waxaane goobtaas ka hadlay rag sheegtay iney yihiin Odayaasha dhaqanka ee Beesha Agoon Yar Gaabane /Harti Abgaal. Agagaarka Miranaayo waxaa ku yaalo bara koontarool oo laga ilaaliyo waxa soo gelaayo gudaha magaaladda Muqdisho, waxaane ka mid ah baraha koontarool ee waa weyn kuna yaalo Waqooyiga Muqdisho: (1)-Barta Siinaay. (2)-Barta Afarta Jardiino. (3)-Barta Isgoyska Sanca. (4)-Barta Mirinaayo. Wadada ka timaado Sanca waxa ey ka go’an tahay halkii ey ku tiilay Shineemo Xadarmuut oo ku dhaw Barta NISA ee Beexaan, isu socdodka waqooyiga ayaa adkaan doono haddii DFS ey adkeryso dhammaan baraha laga soo galo caasimadda kuna wada yaalo Waqooyiga Muqdisho, hadaba ma dhici kartaa iney kala badbaadaan Maleeshiyaad Shariif iyo Ciidamadda DFS ee ku sugan baraha Koontarool ee dhaca Waqooyiga Muqdisho gaar ahaan tan taallo Miranaayo,waa haddii ey Maleeshiyaadka Shariif isku dayaan iney xoog ku maraan barahaas? Dhinaca Waqooyi ee caasimadda Muqdisho waxaa ku yaalo xarumo ciidan ey iska leedahay DFS waxaane ka mid ah Xarunta NISA iyo Xarunta Gaadiidka Booliska Soomaaliyeed kuwaaso dhammaantood ey ku sugan yihiin ciidamo aad u hubeysan. LA SOCO.
ISHA-S.B-MEDIA.