WEERAR MINDI LOO ADEEGSADAY OO KA DHACAY MASJID.
(SAWIRKA)-MINDI.
(FRANCE)-Wararla laga helaayo dalka Faransiiska ayaa sheegaayo in halkaasi uu ka dhacay weerar loo adeegsaday mindi,weerarka ayaa ka dhacay gudaha Masjid,waxaane la midiyeyey mid ka mid ah dad u soo dukasha tegay Masjid,waxaane midiyeyey shaqsi kale oo isaga ku ag dukanaayey. Shilkaan naxdinta leh ayaa ka dhacay magaaladda La Grand-Combe Waaxda Le Gard ee koonfurta dalka Faransiiska maanta oo Jimca ah. Ilo ku dhaw baarayaasha ayaa sheegay in meydka la helay abaarihii 11:30-subaxnimo waqtigaaso dadku ey u dareerayeen Masjidka si uga qeyb noqdaan dadka dukanaayo salaada Jimcaha,sidaas waxaa sheegay Tv-ga BFM. Warar ayaa sheegayo in shilka uu dhacay abaarihii 8:30-subaxnimo iyadoo gudaha Masaajidka ey waqtigaas ku sugnaayeen laba qofood kaliyah,wararka hordhaca ah oo laga helay baarayaasha ayaa sheegaayo in labada nin ey isku garab dukanaayeen marka ey dheceysay Midiyeynta,Dabadeed si lama filaan ah ayaa mid ka mid ah uu mid ka kale u weeraray,sabab la’aab,dhawr jeerna uu mindi ugu dhuftay,dhibanaha ayaan weli la aqoonsan haybtiisa iyadoo tuhmanaha uu weli baxsad yahay. Dhinaca kale, Xafiiska Xeer ilaaliyaha ee Alice ayaa furay baaritaanka dembiga,waxaane loo xil saaray Booliska. Ilaha Garsoorka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka ee La dagaalanka Argagixisada uu qiimeynaayo xaqiiqada iyo xogta. Waxaa xusid mudan in dalka Faransiiska ey ka dheceen weeraro Argagixiso oo badan sannadihii ugu dambeeyey taaso keentay inuu sare u qaado heerka feejignaanta dhanka Amaanka.
ISHA-AA.