WEERAR EEY IIRAAN QOSHAYNAYSAY OO LAGA WAR HELAY.
Ma aha markii ugu horeeysay oo aan maqalno sheeko ku saabsan dagaalka u dhexeeyo dalalka Maraykanka iyo Iraan,waxa uuna dagaalkoda soo socday in muddo ah in kastoo dalka Maraykanka uu cunaqabteyn ku soo rogay dalkaas iraan hadane Iraan ayaa waxa eey gacan saar fiican la leedahay dalalka shiinaha iyo Ruushka kuwasoo codka qeyaxan saara qaraar kasta oo lid ku ah dalka Iraan,sidaas darteed ayey labadaan dal waxa eey u wadaan weeraro qarsoodi ah loogana takhalusayo masuuliyiin sarsare waxaane dharbaaxyadii ugu horeeysay eey ku dhacday dalka Iraan oo waxaa dalka Ciraaq looga dilay sarkaal sare kana tirsan xoogaga ilaaladda kacaan lana yiraahdo Sulaymaani.
Laba sarkaal oo ka tirsan sirdoonka dalka Maraykanka ayaa sheegay in dalka Iraan samaynaayo handadaad lidi ku ah saldhiga ciidamad Fort McNair,boostada ciidamada ee caasimadda Maraykanka iyo waxaa kaloo eey lid ku tahay taliye ku xigeenka ciidamadda.
Saraakiishaan ka tirsan hayadda amniga qaranka Maraykanka ayaa sheegtay ineey qabteen wada hadalo dhinaca khadka ah bishii Janaayo-2021-ka,wada hadaladaas ayaa muujinaayey in ilaaladda kacaanka ee dalka Iraan go’aansatay ineey isku duba rido weerar eey ku qaado markabka USS Cole,markabkaan ayaa waxaa hadda ka hor lagu xeebaha dalka Yaman gaar ahaan magaaladda Cadan,waxaane weerarkaas loo adeegsaday doon laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa sannadkii oktoobar 2000-kii,waxaane weerarkaas Maraykanka uga dhintay 17-askeri oo ciidamadda badda ah waxaane sheegtay weerarkaas kooxda Alqaacidda ee ka dagaalanta dalka yaman. XIGASHO AP.