WASIIRO KA TIRSAN DG H/SHABELLE OO DALKA KA TAHRIIBAY.

(SAWIRKA)-WASIIRO KA BAXSADAY H/SHABEELLE.

(JAWHAR/H/SHABELLE)-Waxaan inta badan maqalnaa Tahriibayaal ayey Doon kula gadoontay Bad hebel, waxaane ku dhintay intaas, laakinse maanta sheeko taas ka duwan ayaan rabaa inaan idinla wadaago, maxay tahay? Waxaa I soo gaaray warar sheegaayo in Wasiiro ka tirsan DG H/shabeele ey u Tahriibeen dalalka Yurub iyo Boqortooyadda Ingiriiska. Hadaba waa kuwee Wasiiradaas Tahriibay iyo Afhayeenkii Cali Guudlaawe? Wasiiradda ayaa kala ah: (1)-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Md.Cali Cismaan Ibraahim (Xawaadle). (2)-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md.Baashe Cabdi Maxamed (Xawaadle). (3)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Md.Dr.Nuur Cisman Afrax(Xawaadle). (4)-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Md.Maxamud Wabar Xasan(Jajeele). (5)-Wasiir Ku/Xigeeka Caafimaadka Md.Shuceyb Xasan Maxamed (Gaaljecel). (6)-Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md.Ilyaas Yuusuf Ibrahim (Xawaadle). (7)-Afhayeenkii Mw-Guudlaawe Md.Da’uud Xaaji Cirro(Abgaal/Harti). Dadlkaan xaalkooda weli Kama hadlin DG H/shabeelle. Mahadsanidiin. Waa arrin dalka Soomaaliya ku soo noqnoqota mar walba uu dalku galo marxaladda kala guurka lana diyaarinaayo Doorashooyin ka dhaca dalka oo dhan. In Mw.Cali Guudlaawe Golihisa Wasiiradda qaarkood dalka isaga cararaan iyaga oo wata Baasabooro Diblomaasi ah waxa ey daliil cad oo muuqda u tahay in Mw.Guudlaawe uu kursiga baneyn doono waayo baalashii uu ku duulaayey ayaa goobta isaga cararay isagane ma sii joogi doon DG H/shabeelle.

ISHA-ABU MOHAMED.

Previous
Previous

IRAAN OO LABA ASKERI OO MARAYKAN AH KU DISHAY DALKA URDUN.

Next
Next

XEER ILAALINTA DG W/BARI OO CODSATAY IN XASAANADA LAGA QAADO XIL FAHIMA.