WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA CIRAAQ OO SOO GAARAY MUQDISHO
(SAWIRKA)-RW-XAMSE IYO CABDUL-AMIIR.
(MUQDISHO)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Ciraaq Mudane Cabdul Amiir AL-Shammari, oo maanta booqasho rasmi ah ku yimid dalka Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Ciraaq, iyadoo si gaar ah looga hadlay iskaashiga dhinacyada Amniga, La-dagaallanka Argagixisada, Tababarada Ciidamada iyo Isdhaafsiga Khibradaha. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa si diirran u soo dhaweeyay Wasiirka iyo wafdigiisa, isagoo ku bogaadiyey booqashada uu ku yimid dalka, waxa uuna xusay in booqashadani ey tahay tallaabo lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq. Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq Mudane Cabdul Amiir AL-Shammari, ayaa muujiyay sida ey dowladdiisa uga go’an tahay garab istaagga Soomaaliya, waxa uuna ballan qaaday in la dar-dar gelinayo iskaashiga labada dal, si gaar ah dhinacyada Amniga, Socdaalka, Waxbarashada iyo Tababarrada Laamaha Ammaanka. War ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta u qaabilsan Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Ciraaq Md.Cabdul-Amiir ayaa sheegay in Wasiirku uu casuumad rasmi ah uu u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud si uu uga qeybgalo Shirka Madaxda dalalka Carabta ee ka dhacaayo caasimadda Ciraaq ee Baqdaad. Wasiir Cabdul-Amiir oo maanta Muqdisho soo gaaray ayaa lagu wadaa casuumadda uu ka sido Madaxweynaha dalka Ciraaq Md.C/ladhiif Jamaal Rashiid inuu u gudbin doono Madaxweynaha Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamud si uu uga qeybgalo shir Madaxeedka Wadamada Carabta oo bisha soo socoto lagu qaban doono magaaladda Baqdaad ee dalka Ciraaq. Wasiirka ayaa intii uu kulanku scday u gudbiyey Madaxweynaha Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh salaan uu uga siday Madaxweynaha iyo Reysal Wasaaraha dalka Ciraaq Md.AL-Sudani. Waxaa kalo ey ka wada hadleen diyaar garawga dawladda Ciraaq ugu jirto matigelinta shir Madaxeedka isla markaasne ey ka shaqeyneyso sidii uu u noqon lahaa sida ey ku taamayaan wadamadda Carabta iyagoo ku dheeraaday muhimadda ey leedahay ka qeybgalkiisa. Dhinaca kale, Socdaalkan ayaa waxaa looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq loogana shaqeyn lahaa danaha guud ee labada dal.
ISHA-SB-MEDIA.