WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA OO SAMEEYEY ISKU SHAANDHEYN.
(MUUQAALKA)-DHSMAHA WASAARADDA.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay sameysay magacaabis iyo isku shaandheyn shan Agaasime Waaxeed, kuwaas oo loo xilsaaray hoggaaminta waaxaha muhiimka ah ee Wasaaradda. Magacaabistan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda ee lagu xoojinayo awoodda hay’adeed, hufnaanta maamulka iyo tayada shaqada diblomaasiyadeed, si loo dardargeliyo hirgelinta mudnaanta siyaasadda arrimaha dibadda iyo danaha qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.Agaasimayaasha cusub ee la magacaabay ayaa kala ah:
(1)-Huda Nuur Sheikh Haamud – Agaasimaha Waaxda Arrimaha Aasiya, waxaa laga keenay dalka Isutaga Imaaraatka Carabta.
(2)-Jibril Afyare – Agaasimaha Waaxda Siyaasadda, Qorsheynta iyo Cilmi-baarista,waxaa laga keenay Waaxda Xiriirka Caalamiga ah.
(3)-Usman Axmed Moxamed – Agaasimaha Waaxda Ururrada Caalamiga ah,
(4)-Saalax Maalin Abuukar – Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalamiga ah
(5)-Moxamed Maxamud Ali (Gacmadheere) – Agaasimaha Waaxda Arrimaha Afrika.
ISHA-WASAARADDA.