WASIIR JAMAAL OO MAANTA LA DHAARIYEY.
(SAWIRKA)-WASIIR JAMAAL.
(MUQDISHO)-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana wehelinayey Guddoomiye ku-xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Ugu horreyn, Habdhowraha Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), ayaa dhaariyey Wasiirka magacaaban ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Jamaal Maxamed Xasan. Kadib Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa marsiiyey akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada Soomaaliya, iyo Hindise-sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka, kuwaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada. Wasiirka wasaaraddaasi, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa warbixin ka siiyey Golaha. Sida uu dhigayo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, hindise-sharciyeedyada marey akhrinta koowaad looma oggola in laga dooddo, hase yeeshee qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa su’aalo ka weydiiyey wasiirka mabaadi’da guud ee labada hindise-sharciyeed. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa faray guddiga ku shaqada leh in ay soo diyaariyaan akhrinta labaad oo lagu falanqeyn doono hindise-sharciyeedyadan, si dib loogu soo celiyo Golaha loogana doodo.
XIGASHO-SNTV.