WASIIR ISRAELI AH AYAA TEGAY HARGEYSA,MA DHABAA?

(SAWIRKA)-WASIR JADCOON SARAC.

(HARGEISA/SOMALILAND)-Warar uu qoray Wargayska laga leeyahay Israel ee I24 News ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa'iil Jadcoon Saacir inuu saaka gaaray magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah tan iyo markii Israa'iil ay aqoonsatay Madaxbannaanida Somaliland, sida ay ilo diblomaasiyadeed oo ka tirsan Somaliland u sheegeen i24NEWS. Inta uu ku guda jiro booqashadiisa, Saacir ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi. Labada mas'uul ayaa lagu wadaa inay shir Jaraa'id oo wadajir ah ku qabtaan qasriga Madaxtooyada gelinka dambe ee maanta, sida uu ilo-wareedku ku daray. Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in aqoonsigu uusan ku lug lahayn heshiis militari ama arrimaha qaxooti ah. Ilo-wareedku wuxuu sheegay in booqashadu ay ujeedadeedu tahay sidii loo horumarin lahaa iskaashi siyaasadeed iyo mid istaraatiijiyadeed oo macno leh oo dhexmara Israa'iil iyo Somaliland. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa'iil wax faallo ah kama soo saarin safarka. Booqashadan waxay noqonaysaa wafdigii ugu horreeyay ee heer sare ah oo Israa'iil ah oo taga Somaliland tan iyo markii la aqoonsaday madax-bannaanideeda waxayna muujinaysaa dadaal lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac. Faahfaahinta wadahadallada iyo heshiisyada weli lama xaqiijin. Warkaan ayaa u muuqdo inuu yahay mid lagu doonaayo in jahwareer lagu geliyo geedi socodka nabada Geeska Afrika iyo in la isku hortaago degaanashaha ka soo muuqdo caasimadda Muqdisho iyo Doorashadii dhawaan ka dhacday Gobolka Banaadir. In Wargayska I24 News uusan helin wax cadeyn ah in Wasiirku tegay Hargeysa Somaliland isaga ayaa qiraayo oo waxa uu leeyahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel inooma Xaqiijin safarka Wasiirka ee Hargeysa, sida muuqatane hadalkaan aan lahayn cadeynta ayaa ah mid ey leedahay Somaliland oo dooneysa iney caalamka ka iibiso in dhulkeeda la imaan karo waqtigii la doono iyadoo is moogeysiineysa in Mawaadiniinteedii u dhalatay degaanka heystana Baasaboorada Yurub iyo Maraykanka eysan u imaan karin eheladooda iyagoo aanan soo qaadan Dal ku galka ey bixiso DFS, tani waa been iska cad lana soo abaabulay ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka ee baarlamaanka JFS kuna sugan caasimadda Muqdisho.

DIYAARIYE/ABKE-MUQDISHO/SOMALIA.

Previous
Previous

GOLAHA AMAANKA AU-DA OO KA SHIRAAYO XAALADDA SOOMAALIYA.

Next
Next

YAA ISKU DIRAY SACUUDIGA IYO IMAARAATKA CARABTA?