WASIIR FIQI OO BOOQDAY CIIDAMADDA AUSSOM EE BAYDHABO.
(SAWIRKA)-WASIIR FIQI.
(BAYDHABO/KGS)-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqday xarunta Qaybta 3aad ee Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee magaalada Baydhabo. Wasiirka ayaa kulan la qaatay Taliyaha Qaybta 3aad, S/Guuto Teklu Hurisa Janka, kana qaatay warbixin ku saabsan hawlaha qeybta, horumarka hawlgallada, iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada AUSSOM ee ka hawlgala deegaannada Koonfur Galbeed. Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay doorka ay ka qaataan taageeridda hawlgallada Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta hawlgallada wadajirka ee lagula dagaalamayo argagixisada. Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Gaashaandhigga ee lagu xoojinayo xiriirka saaxiibbada caalamka, gaar ahaan howlgalka AUSSOM, si loo dardargeliyo guulaha laga gaarayo la-dagaallanka argagixisada iyo dardargelinta Hawlgallada wadajirka ah. Dhinaca kale, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa maanta hawlgal miino-baaris ah ka sameeyay deegaanka Gololey oo katirsan magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe. Howlgalka ayaa lagu guuleystay in laga saaro miino ay waddada ku aaseen maleeshiyaadka Khawaarijtu si ay waxyeello ugu gaarsiiyaan dadka deegaanka, taas oo khatar ku ahayd shacabka iyo gaadiidka isticmaala waddadaas. Hawshan waxaa si xirfad leh u fuliyay cutubka CXDS u qaabilsan soo saarista iyo ka hortagga miinooyinka. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka ku xaqiijinayaan amniga, kana hortagayaan falalka argagixisada ee waxyeellada u geysta shacabka. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay sii wadi doonaan howlgallada lagu sugayo nabadgelyada iyo badbaadada bulshada. War Saxaafadeed ey soo saartay Wasaaradda G/dhiga Soomaaliya ayey kaga hadashay hawlgal ka dhacay agagaarka degmada Baydhabo. Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta fuliyay hawlgallo duqeymo ah oo ka dhacay deegaanka Gasarta, oo u dhexeeya Baydhabo iyo Daynuunaay ee gobolka Baay. Duqeymahan oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta AL-Shabaab ayaa lagu dilay 12 dhagarqabe, halka lagu dhaawacay tiro kale. Hawlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu burburinayo awoodda Khawaarijta, laguna xaqiijinayo amniga guud ee deegaannada dalka. Ciidanka Qaranka iyo saaxiibbada caalamka waxaa ka go’an inay sii wadaan hawlgallada noocaan oo kale ah, si loo ciribtiro khatarta argagixisada, loona sugo nabadda iyo xasilloonida guud ee dalka.
HALKAN KA AKHRISO WARKA WASAARADA G/DHIGA.
ISHA-RADIO SNA.