WASIIR C/FATAAX QAASIM OO SHEEGAY IN DFS DIYAAR U TAHAY WADA HADAL.

(MUUQAALKA)-WASIIR C/FATAAX.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdifataax Qaasim ayaa sheegay in dowladda federaalku ay weli diyaar u tahay wada-hadal ay la yeelato mucaaradka, si loo xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan doorashada la filayo in dalka ka dhacdo sannadka soo socda iyo arrimaha dastuuriga ah. Wasiirka oo wareysi siiyay mid kamid ah warbaahinta Carabta ayaa sheegay in dowladda aysan wax caqabad ah ku qabin in mucaaradka lala fariisto miiska wada-hadalka, isagoo xusay in kulamo dhowr ah ay horey u dhex mareen labada dhinac. Wuxuu sheegay in kulamadaas lagu heshiiyay qodobo qaar, halka qodobo kalena ay weli muran ka taagan yahay, kuwaas oo uu sheegay in labada dhinac ay ka wada shaqeyn doonaan sidii xal loogu heli lahaa. “Dowladda Soomaaliya waxay ahayd oo weligeed ahaan doontaa mid u furan wada-hadalka arrimaha aasaasiga ah, oo ay ka mid yihiin arrimaha dastuurka iyo doorashada federaalka ee soo socota,” ayuu yiri wasiirku. Si kastaba, Cabdifataax Qaasim wuxuu sheegay in waxa dowladda ay diiddan tahay ay yihiin isku dhacyo hubeysan, qalalaase iyo tallaabooyin wax u dhimaya xasilloonida dalka. Wasiirku wuxuu ku eedeeyay mucaaradka inay mararka qaar u dhaqaaqaan dhinaca sii hurinta khilaafaadka siyaasadeed, halka dowladda, sida uu sheegay, ay doorbidayso in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal. Wuxuu ugu baaqay mucaaradka inay dowladda kala shaqeeyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo sheegay in dhinacyada siyaasadda ay ku kala aragti duwanaan karaan, balse ay tahay inay ka mideysnaadaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

URURKA QAREENADA BARIGA AFRIKA OO U DIGAY XUKUMADDA KENYA.

Next
Next

WASIIR CALI BALCAD OO LA KULMAY MADAXDA XAFIISKA QM EE MUQDISHO.