WASIIR BALCAD OO LA KULMAY WAFDI KA SOCDO QM.
(MUUQAALKA)-WASIIR BALCAD IYO QM.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa Muqdisho kula kulmay wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayay mas’uulka ku-meel-gaarka ah ee hawlgalka UNTMIS, Raisedon Zenenga. Kulanka oo dhacay 14-kii Oktoobar 2026 ayaa diiradda lagu saaray wejiga ugu dambeeya ee kala-guurka hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo amniga, iyo sidii xil-wareejinta loo qorsheynayo ay u xoojin lahayd hay’adaha dowladda Soomaaliya. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay ilaalinta guulaha laga gaaray nabad-dhisidda iyo dowlad-dhiska, si loo xaqiijiyo in isbeddelka hawlgalka Qaramada Midoobay uusan wiiqin horumarka laga sameeyay dalka. Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in geeddi-socodka kala-guurka uu noqdo mid ay Soomaalidu hoggaaminayso, isla markaana ay hay’adaha dalka si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadaha ku habboon. Cali Maxamed Cumar ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Qaramada Midoobay wada-shaqeynta muddada dheer ay la lahayd Soomaaliya iyo taageerada ay ka geysatay dadaallada nabad-dhisidda iyo dowlad-dhiska. Kulankan ayaa qayb ka ah wada-shaqeynta u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, xilli la wajahayo wejiga ugu dambeeya ee kala-guurka hawlgalka UNTMIS iyo dadaallada lagu xoojinayo awoodda hay’adaha qaranka.
ISHA-GJ.