WASIIR AXMED MACALLIN FIQI OO SI ADAG UGU JAWAABAY…
(SAWIRKA)-WSIIR FIQI.
(MUQDISHO)-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa mar kale digniin xooggan u jeediyay Siyaasiyiinta Mucaaradka, isagoo sheegay in aan la ogolaan doonin mudaharaad lagu qabto magaalada Muqdisho. Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale weerar afka ah ku qaaday qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka, isagoo ku eedeeyay inay dhaqaale kusoo qaateen si ay caasimadda ugu sameeyaan bannaanbaxyo lagu carqaladeynayo Amniga. Wuxuuna ku adkeystay in dowladda aysan ogolaan doonin in shacabka la soo saaro oo lagu kiciyo arrimo Siyaasadeed. “Odayaashan hadda qeylinaya waa kuwii diyaaradaha laga reebi jiray, waa kuwii hoteelada lagu weerari jiray. Goormaad aragteen iyagoo ku faanaya ‘wax baan beddelaynaa. Waan u oggolnahay inay kaligood boorar soo qaataan, balse, uma ogolanadoonno in ay shacabka soo saaraan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Fiqi wuxuu siyaasiyiinta mucaaradka ku tilmaamay inay yihiin “xagjiriin siyaasadeed”. Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu horey ula yeeshay shan shir oo dhamaantood uu ku aqbalay dalabadoodii. “Mucaaradku ma lahan Ajende Siyaasadeed oo dhab ah marka laga reebo kicinta bulshada iyago lacago yar yar oo shan doolar ah ku bixinaya sidii dadka masaakiin ah looga soo saari lahaa guryahooda. Hadalka Fiqi ayaa yimid, xilli dhawaan mucaaradka iyo dowladda isku afgarteen in dib loo dhigo mudaharaadka, iyadoo la tixgalinayo xaaladaha amniga ee magaalada Muqdisho, ka dib markii uu dhawaan ka dhacay Muqdisho weerar xoogganaa ee lagu qaaday Godka Jilacow.
ISHA-HOL.