WASIIR AL-CADAALA OO GAARAY DALKA MARAYKANAKA,SABABTA?

(SAWIRKA)-WASIIR AL-CADAALA.

(MINNESOTA)-Wararka aan ka heleyno Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf AL-Cadaala iyo wafdi uu hoggaaminayey eysafar shaqo ku gaareen Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka, Wafdiga waxaa soo dhaweeyey qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas Mareykanka. Wasiir AL Cadaala ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona magaalada Miami ee Gobolka Florida, halkaasoo uu wafdigiisu kaga qaybgalayo Shirweynaha Sanadlaha ah ee dalalka dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay dalxiiska, waana shir caalami ah oo ey isugu yimaadaan madax iyo khubaro ka kala socda dalal badan. Wasiirku waxaa uu Jaaliyadda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran iyo karaamada ey u muujiyeen, Waxaa uu sidoo kale sheegay inuu la qaadan doono kulamo Jaaliyadda, isagoo uga warbixin doona xaaladda guud ee Dalka, horumarka Dowladda Soomaaliya ka gaartay arrimo badan oo ey ka mid yihiin Amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada iyo sidoo kale kaalinta muhiimka ah ee qurba-joogta looga baahan yahay taageerada dalka hooyo. Dhinaca kale,waxaa magaaladda Columbus ee ah caasimadda Gobolka Ohio ee dalka Maraykanka gaaray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Dalxiiska XFS Md.C/laahi Xayir Maareey, waxa uuna halkaasi u tegay si uu u gudoonsiiyo shahaado sharaf ey Wasaaradda Warfaafinta iyo Dalxiiska XFS ugu talagashaya Ururka TALO WADAAG eeJaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobka Ohio.

XIGASHO-SNTV.


Previous
Previous

CILMI BAARIS CUSUB OO KA HADASHAY KANIINIGA LAGU DAAWEEYO SOKORAWGA.

Next
Next

XILDHIBAANADA ILHAN CUMAR OO KA BADBAADAY ISKU DAY CAMBAAREYN.