(MUUQAALKA)-QORAALKA.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga cabatay faragelinta ay sheegtay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabtu ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay in tallaabooyinkaasi ay wiiqayaan madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada qaranka. War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya maanta oo Arbaco ah, 18-ka Nofeembar 2026, ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay walaac xooggan ka qabto faragelinta joogtada ah ee Imaaraadka, taas oo ay sheegtay in ay ka hor imanayso madax-bannaanida dalka. Dowladdu waxay sheegtay in mowqifkeeda uu salka ku hayo khudbaddii qaran ee uu Talaadadii jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo ku celisay diidmadeeda ku aaddan faragelin shisheeye iyo heshiisyo amni oo lala galo dhinacyo ka baxsan nidaamka dowladda federaalka. War-saxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay hay'adda keliya ee awoodda u leh inay dalka ku matasho xiriirka diblomaasiyadeed, iyadoo Imaaraadka loogu baaqay in dhammaan xiriirrada uu la leeyahay Soomaaliya uu si toos ah ula yeesho dowladda federaalka, isaga oo raacaya Axdiga Qaramada Midoobay iyo shuruucda caalamiga ah. Sidoo kale, dowladda Soomaaliya waxay caddeysay in cabashadeedu ay si gaar ah ugu wajahan tahay siyaasadaha dowladda Imaaraadka, balse aysan ahayn xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya shacabka labada dal. Ugu dambeyn, Soomaaliya ayaa sheegtay inay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharciyeed ee lagama maarmaanka u ah ilaalinta madax-bannaanideeda, wadajirka dhulkeeda iyo midnimada qarankeeda.
ISHA-HOL.