WASAARADDA AMNIGA XFS OO KA HADASHAY….
(SAWIRKA)-KULANKII GARBAHAREY.
(MUQDISHO)-Wasaaradda Amniga Gudaha ee ee Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ey si dhaw ula socotaa tacadiyadda tiro beelka ah ee Eedeysane Axmed Maxamed Islaam uu kula kacaayo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool degaanadda Jubaland. Tacadiyadaas oo ahaa kuwa muddo soo tixnaay waxaa ugu dambeeyey mid uu saakay ku qaaday shacabka ku nool Kulbiyaw ee Gobolka Jubada Hoose,kuwaaso ahaa dad isku abaabulay iney iska Caabiyaan AL-Shabaab balse nasiib darro uu Axmed Madoobe uu iyagii weeraray isla markaasne uu u geystay dil,Dhaawac iyo jirdil intaba. Falkaan waxa uu daba socdaa fal nuucan oo kale ah kaaso uu ka geystay magaalooyinka Kismaayo,Raaskambooni,Dhoobley iyo Afmadaw. Sidoo kale,Eedeysane Axmed Madoobe waxa uu ku hawlan yahay inuu iska horkeeno shacab u diyaarsan iney degaanadooda ka difaacaan AL-shabaab iyadoo la ogyahay inuu duulaanadiisa u kaalmeysto kooxda AL-shabaab taaso markasta marin u ah gacane ku siisa wax yeeleynta shacabka Jubaland ee xorta ka ah AL-shabaab. Axmed Madoobe,Falalkiisa waa kuwa loo diiwaan geliyey waane lagula xisaabtami doonaa mana noqon doonaan kuwa la iska hilmaamo,shacabka Jubaland waxa aan ugu yeereynaa Midnimo,Adkeysi iyo Wadajir. Wasaaradda ayaa Tacsi u dirtay dhammaan dadkii ku geeriyooday weerarkii Axmed Madoobe uu ku qaaday Kulbiyaw.
SNTV.