WARGAYS EEDEYN U SOO JEEDIYEY XIL.FAARAX.
(SAWIRKA)-XILDHIBAAN FAARAX MACALIM.
(NAIROBI)-Ma aha wax lala yaabo marka la arko amaba la maqlo Cod laga soo duubay masuul dawladeed oo ka hadlaayo siyaasadda dalkiisa,Baraha Bulshada oo la soo fariisto lagana hadlo waxyaabo ey ahayd inaan looga hadlin ayadana dhibkeeda ayey leedahay,hadaba maxaa dhacay oo keenay inaan sidaan u afeefto? Barta horay loo oran jiray Twitter hadase loo yaqaan X waxa ey leedahay Madal dad isugu yimaadaan loona yaqaano”Space Twitter”madashaan waxaa inta badan looga hadlaa laguna falanqeeyaa Arrimaha Siyaasadda ee markaas taagan gaar ahaan kuwa ka taagan dalka Soomaaliya iyo Geeska Afrika ey Soomaaliya ka mid tahay. Madashaan lagu qabto Twitter-ka ayaa waxaa lagu martiqaadaa Siyaasiyiin Soomaaliyeed kana soo kala jeeda dalalka Soomaaliya iyo Kenya waxa eyna falanqeyn ku sameeyaan Siyaasadda markaasi taagan,hadaba Waragyska DAILY POST ee ka soo baxa dalka Kenya cadadkiisii soo baxay shalay oo Arbaca ahayd taariikhduna ahayd 10/7/2024-ka ayaa soo daabacay Qoraal uu cinwaan uga dhigay”Waxaan halkaan idiinku soo gudbinaynaa cod laga duubay FAARAX MACALIM oo ku faanaya sidii uu Malaayiin doolar u xaday markii uu ahaay Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka-Gen Z ha la qabto tuugtan”. Wargayska oo hadalkiisa wata ayaa yiri, waxaa soo baxay cod laga duubay Xildhibaan Faarax Macalim oo ka tirsan Baarlamaanka Dhadhaab oo ku faanaya sidii uu malaayiin doolar uga xaday Baarlamaanka xilligii uu ahaa Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya. Macalim oo ka hadlaayey barta Twitter-ka lahjada Soomaaliga(Af Soomaali) ayaa sheegay in markii uu ahaa Gudoomiye ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Gudiga xiriirka Baarlamaanka uu masuul ka ahaa malaayiin doolar oo uu jeebka ku shubtay xilligaas. Waxa uu sheegay in Baarlamaanka Kenya loo qoondeeyey balaayiin shillin,isla markaana uu dil gaystay markii uu ahaa Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka. Codka ayaa soo baxay xilli uu Faarax Macalim ku baaqay in la dilo 5-kun oo qof oo gadoodsan Gen Z oo gudaha u galay Baarlamaanka oo ceyrsaday Xildhibaano taageersanaa Hindisa Sharciyeedka Maaliayadda 2024-ka oo uu Madaxweyne Ruto ka laabtay. Madashaan lagu qabtay barta Twitter-ka ee uu soo bandhigay Wargayska Daily Post ee dalka Kenya ayaan lahayn mid Taariikh leh oo muujinaayo goorta la qabtay Madasha,waxayse u muuqataa iney tahay mid la qabtay waqti hore loogana hadlaayey Arrimihii Laascaanood ka taagnaa waayo Madasha Cinwaankeeda ayaa ahaa”Laascaanood wey dhiig bexeysaa” waxaane ka qeybgalayaal ahaa Faarax Macalim, Sheekh Cabdi Xersi, Prof.C/wahaab iyo Afhayeenkii Madaxtooyadda xilligii Farmajo “Duqa”.
ISHA/DAILY POST.