WARAR GOOGOOS AH KUNA SAABSAN DALKA SOOMAALIYA.

(SAWIRKA)-SACUUDIGA.

(MUQDISHO)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka ALjeeriya ee AL-Jeris ayaa sheegaayo in Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha XFS Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood, ayaa gaaray Dalka Aljeeriya. Wafdigaan waxaa si diiran ugu dhaweeyay Caasimada dalkaas dhigiisa Dalka Aljeeriya Wasiirka Ganacsiga Dibadda iyo Dhiirigelinta Dhoofinta, Professor Kamaal Rezeeq Iyo Danjiraha Dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalka Aljeeriya Danjire Yuusuf Axmed Xasan ( Yuusuf Jeego). Wasiir geeosood ayaa ka qaybgalaya Carwada Ganacsiga Gudaha Afrika (Intra-African Trade Fair), taas oo Soomaaliya u ah fursad qaali ah oo lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale ee qaaradda, laguna dhiirrigelinayo dhoofinta iyo kobcinta Ganacsiga Gudaha iyo Dibaddaba.

Dhinaca kale,Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh oo ka qeyb-galaya Madasha Caalamiga ah ee Hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (GSR-25) ee lagu qabtay magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa la kulmay Mudane Haitham Alohaly, Guddoomiyaha Hay’adda Isgaarsiinta, Dayax-gacmeedka iyo Teknoolojiyadda ee Boqortooyada Sacuudiga (CST). Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhisidda qaab iskaashi oo dhexmara labada Hay’adood, iyadoo xoogga la saarayo Wada-shaqeynta ku saabsan nidaaminta garaadka macmalka ah (AI) ee Teknoolojiyadda Hawada Sare, iyo Wadaagista Kaabayaasha.

Sidoo kale, Waxaa maanta Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) laga daahfuray Wajiga Afaraad ee Mashruuca Sugnaanta Cunnada, kaasoo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed oo ey abaartu sida weyn u saameysay. Wajigaan cusub waxaa fulinaya Xarunta King Salman ee Samafalka iyo Gargaar Aadanaha (KSRelief), waxaana si toos ah u hirgelinaysa Hay’adda Tadaamun, iyadoo taageero ka helaysa Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Qeybtan cusub ee mashruuca waxaa ka mid ah 5,085 tan oo Raashin ah oo qiimahoodu dhan yahay $6.4 milyan, kuwaasoo si toos ah uga faa’iideysan doona 805,020 qof oo Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa wajahaya xaaladaha adag ee abaaraha iyo cunto yaraanta dalka ka jirta. Xafladda waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, Safiirka Dowladda Sacuudiga u jooga Soomaaliya, wakiillo ka socday Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-duwidda Arrimaha Bini'aadannimada (OCHA).

ISHA-SNTV.




Previous
Previous

DALKA AUSTRIA OO BILAABAY INUU DIB U SOO CELIYO QAXOOTIGA.

Next
Next

SHIL KA DHACAY BURTAQIISKA OO EY KU DHINTEEN 15-QOF.