WAA MAXAY SABABTA ALSHABAAB U WEERARAY DEG.MOQOKORI?
(SAWIRKA)-MAABKA SOOMAALIYA.
(MOQOKORI)-Wararka laga helaayo Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan ee DG H/shabeelle ayaa sheegaayo in kooxda ALshabaab ey aroortii hore ee maanta oo Isniin ah ey ku soo qaaday weerar ku bilawday Qaraxyo laga soo buuxiyey Baabuur, weerarka koowaad ayaa waxaa lala beegsaday goob la sheegay iney ku kulansanaayeey hogaamiyeyaal sare kana tirsan Macaawiisleyda Gobolka Hiiraan oo dagaal adag kula jira kooxda ALshabaab. Waraysi uu bixiyey Cismaan Dheere oo ah Madaxa degaanka Tarda ee G/Hiiraan ayuu ku sheegay in kooxda Alshabaab ey soo weerartay Degmada Moqokori la isagana baxay gudaha degmada ka dib markii la maqlay Qarax xoogan, waxaane xigay ayuu yiri Qarax kale oo isna ka dhacay Qorax u dhaca degmada Moqokori, halka Qaraxa hore lala beegsaday ayuu ku sheegay Cismaan Dheere iney ahayd Reys Madoobe oo dhawr Kiilomitirka u jirta degaanka Gumarre, Cismaan dheere ayaa sheegay in kooxda ALshabaab ey hadda ku sugan yihiin aagii ey degmada ka soo galeen eysane u gudbin qeybaha kale ee degmada Moqokori, waxa uuna intaa raaciyey in degmada lagu hareereysan yahay oo kooxdu hadda gashay Go’odoon caadi ah. Cismaan Dheere ayaa xusay in Qaraxa koowaad laga hortegay laguna qarxiyey banaanka degmada Moqokori ee uusan noqon mid gaara halkii loogu talagalay,waxa uuna intaas raaciyey Cismaan Dheere isla markaasne uu xaqiijiyey in dagaalka maanta ka dhacay Moqokori uu ku shahiiday AUN-MAWLIID DHICISAW CABDI kuna magac dheer MAWLIID BANJAR. Abuukaato Xasan Cali Raaso oo u hadlay Warbaahinta Shabeelle ayaa sheegay in degmada Moqokori ey ka kooban tahay ilaa afar Xaafadood oo waa weyn ALshabaabkuna uu soo galay mid ka mid ah xaafadahaas,welina uu socdo dagaalka Moqokori. Xildhibaanadda kala ah C/Malik iyo San-yare oo kasoo kala jeeda H/shabeelle iyo Puntland ayaa iayagana ka hadlay dagaalka Mqokori waax eyna dhaliil adag u soo jeediyeen DFS oo aan u sameyn wax gurmad ah dadka degan degmada Moqokori ee G/Hiiraan. Haddii aan u leexano wararka kooxda ALshabaab ey ka sheegtay dagaalka Moqokori kuna baahisay baraheeda Warbaahineed ayey kooxdu ku sheegatay in iyagu ey gebi ahaanba qabsadeen degmada lagu dagaalamay ee Mqoqokori eyna dileen hogaamiyeyaal sar sare kana tirsan Macaawiisleyda reer Hiiraan ee dagaalka adag kula jira ALshabaab, kooxda ayaa xustay magacyo dhawr ah oo dadkaasi ka mid ah sida (1)-Mawliid Banjar. (2)-Cabdi Bilaawe. (3)-Khaliif Dhagool, ma xaqiijin karno sheegashada kooxda inuu sax yahay iyo in kale balse waa sida ey iyagu sheegteen dagaalka ka dib. Sababta ey kooxda ALshabaab u beegsatay degmada Moqokori ayaa ah iney tahay degaan Istaraatiiji ah dhinacana ku haayo goobo ey kooxdu maamusho sida degmada Galcad, Budbud,A/yabaal iyo Ceel-Cali,waane tan kooxda ku qasbeysa iney xooga saaraan degmada Moqokori.
ISHA-SB-MEDIA.