URURKA MIDAWGA AFRIKA OO LAALAY XUBINIMADA GUINEA BISSAU.
(SAWIRKA)-URURKA MIDAWGA AFRIKA.
(ADDIS ABABA)-Ururka Midowga Afrika (AU) ayaa si degdeg ah uga joojiyay Guinea-Bissau dhammaan hawlihiisa ilaa laga soo celinayo nidaamka dastuuriga ah, sida lagu sheegay bayaan Sabtida maanta ah, la soo saaray. Go’aanka Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika ayaa yimid labo maalmood ka dib markii Milatarigu uu ku dhawaaqay in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne Umaro Sissoco Embalo. Goluhu "wuxuu si adag u cambaareeyay afgambigii militariga ee 26-kii November ka dhacay Guinea-Bissau, isagoo diiday inuu yahay isbedel aan dastuuri ahayn oo dawladeed oo xadgudub ku ah qawaaniinta Midowga Afrika, waxayna isla markiiba dalka ka joojiyeen dhammaan hawlaha Midowga Afrika ilaa nidaamka dastuuriga ah dib loo soo celinayo," ayay tiri. Ku dhawaaqista ayaa timid ka dib fadhi deg deg ah oo Goluhu yeeshay Jimcihii. Goluhu waxa uu dalbaday in shuruud la’aan lagu sii daayo saraakiisha doorashada iyo jilayaasha siyaasadda ee xiran. Waxa ay ku boorisay ururka Bulshada Dhaqaalaha Galbeedka Afrika (ECOWAS), Bulshada Waddamada Luuqadaha Boortaqiiska (CPLP), UN iyo la-hawlgalayaasha kale si ay u taageeraan dib ugu soo noqoshada maamulka dastuuriga ah ee waddanka yar ee Galbeedka Afrika. Koox saraakiil ciidan ah, oo isku magacaabay "Taliska Sare ee Milateriga ee soo celinta amniga Qaranka iyo nidaamka guud" ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in ay "la wareegeen awood buuxda oo dowladnimo" ayna meesha ka saareen Embalo. Taliska sare ee militariga ayaa Gen. Horta Inta-A u magacaabay madaxweyne ku meel gaar ah khamiistii muddo hal sano ah. Inqilaabka ayaa la sameeyay iyadoo musharaxa madaxa banaan ee Fernando Dias iyo xeryaha Embalo ay sheegeen inuu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee dhacday 23-kii Nov. Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ku boorriyay ciidamada inay ogolaadaan dhameystirka hannaanka doorashada ayna ixtiraamaan rabitaanka shacabka. Afgambiga ayaa waxaa si kulul u cambaareeyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, oo ku tilmaamay mid xadgudub ku ah mabaadi’da dimoqraadiyadda iyo ECOWAS oo dalka ka joojisay dhammaan hay’adaha go’aan qaadashada. Goluhu waxa uu taageeray go'aannada ECOWAS, wuxuuna ka digay cunaqabatayn la beegsanayo "haddii ay sii wadaan faragelinta hannaanka siyaasadeed." AU-gu waxay faray Guddigooda inay xoojiyaan isku-duwidda ECOWAS, kor u qaadaan taageerada xasilinta, ilaalinta goob-joogayaasha doorashada, iyo in la sameeyo hab la socodka. Embalo, oo doonayey in mar labaad loo doorto, ayaa markii hore ay ciidamadu xireen Arbacadii. Waxa uu u baxsaday Senegal ka dib markii la sii daayay. Wafdi heer sare ah oo ka socda ECOWAS, oo ka kooban madaxweynayaasha Senegal, Cape Verde iyo Sierra Leone ayaa la filayaa inay ku kulmaan caasimadda qaranka ee Guinea-Bissau, Bissau, dhammaadka toddobaadkan.
XIGASHO-ANADOLU.