URURKA MIDAWGA AFRIKA OO KA HADLAY DHAQAALAHA AUSSOM.

(SAWIRKA)-MAXAMUD YUSUF.

(ADDIS ABABA/ET)-Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa ku baaqay in la dardargeliyo maalgelinta gudaha ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, kadib markii Mareykanku uu ku dhawaaqay inuu joojinayo taageeradii saadka ee uu siin jiray howlgalka. Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in la joogo xilligii dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay kordhin lahaayeen kaalintooda dhaqaale, isla markaana si degdeg ah loo dhaqan-gelin lahaa Sanduuqa Nabadda ee Midowga Afrika (African Peace Fund), si loo xaqiijiyo joogtaynta howlgalada nabad ilaalinta ee qaaradda. Guddoomiyuhu wuxuu xusay in ku-tiirsanaanta deeq-bixiyeyaasha dibadda ay caqabad ku tahay sii socoshada howlgalada amniga, isagoo carrabka ku adkeeyay in Afrika ay u baahan tahay awood ay ku maalgeliso nabaddeeda iyo amnigeeda. Baaqan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahaysa caqabado amni oo ay ka mid yihiin dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda ay si tartiib tartiib ah ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka, kadib dhimista doorka howlgalka Midowga Afrika. Go’aanka Mareykanka ee lagu joojiyay taageerada saadka ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, taasoo keentay in madaxda ururku ay xoojiyaan baaqyada ku aaddan in la helo ilo dhaqaale oo waara oo ay iska kaashadaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika. Mas’uuliyiinta Midowga Afrika ayaa rumeysan in maalgelinta gudaha ay sare u qaadi karto madaxbannaanida howlgalada amniga, isla markaana ay xaqiijin karto in taageerada loo fidiyo Soomaaliya ay sii socoto iyadoo aan si buuxda ugu xirnayn deeqaha dibadda.

ISHA-AU.

Previous
Previous

WEERAR MINDI LOO ADEEGSADAY OO KA DHACAY BROOKLYN PARK/MINN.

Next
Next

HORJOOGE SARE OO AL-SHABAAB AH OO LAGU QABTAY XADKA SOOMALIYA IYO KENYA.