URURKA IGAD OO WAR KA SOO SAARAY XAALADDA BAYDHABO.
(SAWIRKA)-CALAMADA WADAMADA IGAD.
(DJIBOUTI)-Tan iyo markii ey bilaabatay xiisadda ka dhex aaloosan Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaalya, waxaa isa soo taraayey baaqyadda la xiriiro inaan dagaal uusan ka dhicin xarunta ku meel gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Baydhabo. Baaqyaddii ugu dambeeyey ayaa ka kala yimid Hayadaha Qaramada Midoobe ee ka hawlgala dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa uu fadhigoodu yahay magaaladda Baydabo, laakinse hadda waxaa Hayadahaasi ku soo biiray kana hadlay arrimaha ka taagan Baydhabo Gudoomiyaha Ururka Midawga Afrika iyo Urur Goboleedka Horumarinta ee IGAD. War Saxaafaeed uu goor dhaw soo saaray Ururka IGAD ayuu Ururku ku sheegay inuu si dhaw ula socdo waxyaabaha ka socdo Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaaso xubin ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxa eyna Soomaaliya xubin joogta ah ka tahay Ururka IGAD. Ururka IGAD ayaa muujiyey walaaca uu ka qabo xiisadda sii kordheysa ee hadda ka taagan KGS waxa uuna ku baaqay in dhammaan dhinacyadda iney is xakameeyaan eyna ka fogaadaan falalka sii kicin kara xaaladda. Ururka IGAD ayaa sheegay in farqiga u dhexeeyo DFS iyo dawladaha xubnaha ka ah DFS in lagu xalliyo wada hadal loo dhan yahay iyo habab qaran oo la aasaasay. Ururka IGAD ayaa sheegay inuu xaqiijinaayo balanqaadkiisa ah inuu taageeraayo Nabadda, Xasiloonidda iyo midnimada dalka Soomaalya, waxa uuna Ururka IGAD cadeeyey inuu diyaar u yahay inuu fududeeyo wada hadaladda iyo dib u heshiisiinta.
IGAD.