Sii socoshada dhibaataynta qaxootiga iyo muhaajiriinta loogu geysto xabsiyadda lagu haayo ee ku yaalo caasimadda dalka liibiya ee Tripoli ka dib marka la soo qabto waxa eey sabab u noqotay in Takhaatiir aan xuduudka lahayn(MSF) joojiyaan si ku meel gaara hawlihii eey ka haayeen dalkaas liibiya sida eey ku sheegeen war eey soo saareen Talaadadii hore. “Ma aha go’aan sahlan oo la qaato inaan xabsiyadda aan tegi doonin,waan naqaanaa halkaas(Xabsiyadda) oo waxaa ku dhibaateysan dad fara badan maalin kasta” sidaas waxaa yiri madax hawlgal ee Takhaatiirta aan xuduudka Lahayn(MSF) ee dalkaas Liibiya Beatric Lau. XIGASHO MIDDLLE EAST MONITOR
URUR SAMAFAL OO SHEEGAY INUU JOOJINAAYO…
Previous
Previous
WEERAR MINDI LOO ADEEGSADAY OO KA DHACAY JARMALKA.
Next
Next