UK: WIIL SOMALI AH OO LOO HEYSTO KA MID NOQOSHADA DAACISH.

(MUUQAALKA)-BOOLISKA UK.

(LONDON/UK)-Nin Soomaali ah oo ku sugan Boqortooyada UK ayaa wajahaya dacwad la xiriirta Argagixisanimo, ka dib markii lagu eedeeyay inuu u safray Soomaaliya isaga oo damacsanaa inuu ku biiro kooxda Daacish, sida ay baahisay BBC. Maxamed Maxamuud, oo 22 jir ah, ayaa ka hor muuqday Maxkamadda Winchester Crown Court, halkaas oo xeer-ilaalintu ku eedeysay inuu intii u dhexeysay Oktoobar 2024 iyo Maarso 2025 diyaarinayay falal Argagixiso. Sida dacwad-oogeyaashu sheegeen, Maxamed ayaa bishii Janaayo 2025 u safray Soomaaliya si uu ula xiriiro xubno ka tirsan Daacish. Intii uu socday dhegeysiga dacwadda, xeer-ilaalintu waxay soo bandhigtay fariimo la sheegay inuu la wadaagay nin ku sugnaa Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jireen qorsheyaal ku saabsan sidii uu ugu biiri lahaa kooxda.  Mid ka mid ah fariimahaas ayuu ku sheegay: "Maanta geerida dhibaato iima aha," isagoo sidoo kale sheegay inuu u arkayay ka noqoshada qorshihiisa arrin culus. Sida ay sheegtay BBC, dacwad-oogeyaashu waxay sheegeen in Maxamed uu ku guuldareystay inuu gaaro kooxda Daacish intii uu joogay Soomaaliya, taasoo sababtay inuu dib ugu laabto Boqortooyada Midowday 3-dii Maarso 2025. Eedeysanaha ayaa beeniyay dhammaan eedaha loo soo jeediyay, waxaana la filayaa in dacwaddiisu ay sii socoto maalmaha soo socda. Qareennada dowladda ayaa sheegay in fariimaha iyo xogaha la soo bandhigay ay qeyb ka yihiin caddeymaha lagu doonayo in lagu muujiyo ujeeddada safarkiisa, halka dhinaca difaaca uu diiday eedahaas, isagoo ku adkeysanaya in uusan gelin wax dembi ah.

XIGASHO-HOL.


Previous
Previous

RW-XAMSE CABDI BARRE OO MAGACAABAY AGAASIMEYAAL.

Next
Next

KULAN DHEXMARAY TALIYAHA XDS IYO TALIYEYAASHA CIIDAMADA AUSSOM.