UEFA OO DIIDAN QORSHAHA FIFA.
(YURUB):Waxaa weli uu muran ka taagan yahay soo jeedintii ahayd in koobka kubadda cagta adduunka la qabto labadii sanaba mar halkii laga qaban jiray afartii sanaba mar arrintaan ayaa waxaa si aad ah uga soo horjestay xiriirka kubadda cagta ee qaaradda yurub(UEFA).Fikirka ah in la qabto tartan kubadda cagta ee koobka adduunka labadii sanaba mar halkii afartii sanaba mar la qaban jiray ayaa ah midaan haysan shacbiyad arrintaan ayaa waxaa soo jeedisay FIFA.Arrintaan ayaa waxa eey dhibaato ku tahay xiriirka kubadda cagta ee qaaradda yurub(UEFA) waayo dakhliga soo gala UEFA ayaa hoos u dhici doono haddii la qaato soo jeedinta FIFA hoos u dhaca ayaa lagu qiimeeyey ineey dhan tahya(2.5) ilaa (3)-milayan oo Yuuro una dhiganta($2.8 ilaa 3.4)-milayan oo doolarka Maraykanka ah muddo afar sano ah..ISHA DS.