TURKIGA OO XIRAY DAD U ADEEGAAYEY MOSSAD.

(TURKEY):Sirdoonka dalka Turkiga ee marka la soo gaabiyo loo qoro(MIT) ayaa soo xiray shan iyo toban(15)-qofood oo looga shakiyey ineey u basaasayeen sirdoonka Israa’iil ee Mossad gudaha dalka Turkiga,dadkaas la xiray ayaa waxaa ka mida dad reer Falastiin ah kuwaso lagu waayey gudaha dalka Turkiga bishii hore ee Sebtembar-2021-ka.Laba ka mida dadka la xiray ayaa ah kuwa la yaqaano sida loo xaqiijiyey wargayska Middle East Eye(MEE),ragaas eey xireen sirdoonka Turkiga(MIT) ayaa ku eedaysan basaasnimo iyo ineey u shaqeynaayeen sirdoonka Israa’iil Mossad una ururinaayeen xogo ku saabsan muwadiniinta reer Falastiin ah kuna sugan dalka Turkiga.Xog la helay ayaa sheegayso in dadka la xiray eey ka mid yihiin Falastiiniyiin iyo Suuriyiin kuwaso ururinaayey macluumaad ku saabsan masuuliyiin Turki ah iyo ardayda reer Falastiin ee wax ka barata dalka Turkiga.XIGASHO MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

SHIR U DHEXEEYO TURKIGA IYO QAARADDA AFRIKA.

Next
Next

ASKERI SOMALI-MARAYKAN AH OO XUKUN KU DHACAY MAANTA.