TURKIGA OO SHIR U QABANAAYO DFS IYO MUCAARADKEEDA.
(SAWIRKA)-GOLAHA SAMATABIXINTA SOMALIA.
(MUQDISHO/SOMALIA)-XOGTA WADA HADALADDA: Odayaasha dhaqanka Mudullood ayaa caawa ilaa maanta la kulmay Madaxweynihii hore Sheekh shariif Sheekh Axmed iyo Wasiir Hore Cabdullahi Mohamed Nuur, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan. Taliyaha Ciidanka XDS iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Taliye Shuute ayaa dhankooda la kulmay Ex.Wasiir Cabdullahi Maxamed Nuur, iyagoo ka dalbaday in xaaladda la dajiyo ciidankana goobta laga bixiyo waxayna dalbadeen inay diyaar u yihiin laakiin la siiyo fursad ah illaa biri subax. Dhinaca Dhaqnka, Dhaqanka Mudullood ayaa dhankooda Sheekh shariif la kulmay waxuuna u sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka guuro Aaga miranaayo laakiin Ciidamadiisa ka tegi doonaan. Beesha Caalamka oo dhankooda soo fara-galisay waxayna xariir la soo sameeyeen Ex.Mw. Sheekh shariif iyagoo ka dalbaday in xaaladda la dajiyo, xabadna aysan dhicin ciidankana meesha laga saaro wada-hadalna la galo, meeshana uu ka guuro. Laakiin Ex.Mw.Shariif ayaa aqbalay wada-hadal laakiin waxuu culeys ka muujiyay inuu degmada C/casiis ka guuro. Warar ayaa sheegaayo in Xilligaan shir u socdaa Taliyaha Ciidanka XDS Gen.Ibrahim Guddoomiye Shuute iyo Madaxweyne Xasan Sheikh, kulankaas ayaana Go’aanka ugu dambeeya laga sugagaa. Ugu dambeyn xaaladdu guud ee amniga ee aaga Miranaayo ayaa hadda ah mid iska degan mana jirto wax risaas ah oo la maqlayo,balse dadka degaan ayaa isaga baxay aaga Miranaayo gelinkii hore ee maanta ka dib markii ey soo buux dhaafiyeen ciidamada DFS oo si aad ah u hubeysan. dhinaca kale, Taliye ku xigeenka Sirdoonka Turkigu oo xiriir la sameeyay Madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed ayaa waydiistay in uu ka fogaado wax kasta oo weerar ama rabsho abuuri kara, iyada oo ay sidoo kale taleefanka kula hadleen Safiirada Maraykanka iyo Ingiriiska oo iyaguna sidaas iyo si la mid ah uga dalbaday in aanu wax weerar ah qaadin. Xubin sare oo ka tirsan kooxda Madaxwaynihi hore Shariif ayaa ku eedeeyay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamud in uu xubnaha beesha caalamka la wadaagayo arrimo been abuur uu ku sheegay, taasi oo sababtay in xubno badan oo beesha caalamka ay xiriiro la soo sameeyaan Shariif Sh. Axmed. Waan waan xoog badan oo ay wadaan nabadoono iyo siyaasiyiin beesha uu Madaxwaune Shariif ka dhashay ayaa iyaguna la kulmay, kuwaas oo u sheegay in uu ka aqbalo waan waanta. Madaxwayne Xassan Shiikh ayaa qaatay mawqif adag, kaas oo uu ku doonayo in uu ku soo afjaro awooda xubnaha mucaaradka, isaga oo u arka in baryo aan waxba lagu keeni karin. Dawladda Turkiga ayaa casuumaad rasmi u kala dirtay Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Xubnaha Mucaaradka, iyadoo qaban qaabinaysa shir ay labada dhinac isku soo hor fadhiisinayso. Shirkan ayaa daba socda shir todobaad ka hor ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kaas oo ay ka qaybgaleen xubno matalayay mas'uuliyiinta Golaha Samatabixinta qaarkood iyo Taliye ku xigeenka sirdoonka wadanka Turkiga. Dawladda Turkiga ayaa mucaaradka ka balanqaaday in ay soo horfadhiisin doonto Madaxda DFS si loo xaliyo khilaafka iyo tabashada jirta. RW hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ee la casuumay ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Lama oga goorta iyo goobta uu shirku ka dhacayo, marka laga reebo in uu Muqdisho ka furmayo. Shirkaan ayaa la filaayayaa in uu ka duwanaado shirkii hore ay garwadeenka uga ahaayeen dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiska Safiiradooda, waxaana jirta in dawladda Turkigu ay tahay dawladda kaliya ee gacan saarka buuxa la leh DFS.
ISHA-SB-MEDIA.