TURKIGA OO SHIDAAL KA QODI DOONO XEEBAHA SOOMAALIYA.

(SAWIRKA)-WASIIRKA TAMARTA TURKIGA BAYRAKTAR.

(TURKEY)-Dalka Turkiga ayaa rajaeynaayo in sannadka 2025-ka uu ka fuliyo hawlgal shidaal Qodis ah taaso laga qodaayo Badda dalka Soomaaliya,sidaas waxaa maalintii jimcaha sheegay Wasiirka Tamarta ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar wax yar ka dib markii ey labada dawladood ku heshiiyeen iney kordhiyaan iskaashiga iyagoo kala saxiixday heshiis iskaashi oo Shidaal iyo Gaaska Dabiiciga ah bishii hore. “Waxaa jirta meel ku taalo Badda Soomaaliya oo aan u aragno iney ku jirto keyd Shidaal,waxaane bilaabi doonaa shaqada baarista,waxaan rabnaa inaan sameyno Qodista Badda si qoto dheer sannadka 2025-ka”ayuu yiri Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee dalka Turkiga Md.Alparslan Bayraktar mar uu waraysi siinaayey telefishanka gaarka loo leeyahay ee NTV. Turkiga iyo Soomaaliya ayaa horaantii bishii Maarso ee sannadkan 2024-ka kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga ah ee Xeebaha dalka Soomaaliya,kaaso sii xoojinaayo xiriirka labada dal ka dib markii ey ku wada heshiiyeen heshiis Difaac sannadkan 2024-ka. ‘Heshiiskaan waxaan u fulinaynaa hawlo wadajira ah oo horumar lagu gaarsiinaayo shacabka Soomaaliyeed si ey khayraadlka dalkooda Soomaaliya loo wada gaarsiiyo,waxaane rabnaa inaan xoojino joogitaanka dalka Turkiga ee Bariga Afrika oo iskaashi cusub oo dhanka Tamarta ah”ayuu yiri Wasiir Bayraktar oo xilligaas ka hadlaayey arrimaha bulshada,sida warbaahinta loo yaqaano X horayne loo dhihi jira Twitter.

ISHA/DAILY SABAH.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

JABUUTI: DOON QALIBANTAY DHIMASHO 16-QOF IYO 28-QOF OO LA LA’AYAHAY.

Next
Next

k/AFRIKA: LABA WIIL OO SOOMAALIA AH OO LAGU QABTAY AYAGOO TAHRIIBINAYO QAAD.