TURKIGA OO DARDAR GELIYEY DHISMAHA SALDHIGA CIIDANKIISA.
(SAWIRKA)-CIIDANKA TURKIGA.
(ISTANBUL/TURKEY)-Warbaahinta Turkiga ee TRHaber ayaa sheegtay in dowladda Turkiga ay dardar gelisay dhismaha saldhig milatari oo ay ka wado degmada Laasgaray ee gobolka Sanaag, kaddib tallaabo ay Israa’iil ku doonayso inay saldhig milatari kaga samaysato Somaliland. Sida warbixintu tilmaamayso, Ankara ayaa arrintan u aragta mid saameyn ku yeelan karta amniga iyo danaha istaraatiijiga ah ee gobolka, taas oo ku kalliftay inay xoojiso joogitaankeeda militari ee Soomaaliya, gaar ahaan waqooyi-bari dalka. Degmada Laasgaray oo ay ka taliso Puntland ayaa la sheegay in dhismaha saldhiggan uu ku socda oggolaansho iyo wada-shaqeyn uu turkigu la leeyahay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Turkiga ayaa horey u ahaa saaxiib militari iyo mid amni oo muhiim u ah Soomaaliya, isagoo tababar siiya ciidamada, isla markaana ka qeyb qaata taageerada amniga iyo la-dagaallanka argagixisada. Illaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama Maamulka Puntland oo si faahfaahsan uga hadlaya dardar gelinta dhismaha saldhiggan, hase yeeshee tallaabadan ayaa kusoo aadaysa xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahayo isbeddello amni iyo loollan quwado shisheeye. Warbixinta TRHaber ayaa sidoo kale muujinaysa in Turkigu doonayo inuu xoojiyo doorkiisa gobolka, isla markaana uu ka hortago tallaabo kasta oo keeni karta isbeddel ku yimaada dheelitirka amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.
XIGASHO-HOL.