TOOGASHO SAACADO KA HOR KA DHACDAY CHICAGO.
(MUUQAALKA)GAARIGA BOOLISKA CHICAGO.
(BRIGHTON PARK/CHICAGO)-BREAKING NEWS:Haweeney ayaa lagu toogtay gaarigeeda dhexdiisa taaso loo maleynaayo iney tahay caro ka dhalatay wadada dhexdeeda, iyadoo ahayd rakaab saaran gaari ku socday wada xaafadda Brighton Park, sida uu sheegay Ald. Raymond Lopez. Toogashada ayaa dhacday 9:30 subaxnimo maanta oo ah Khamiistii, iyadoo ka dhacday 2400-block ee West 47th Street. Haweeneyda oo 32 jir ah ayaa ahayd rakaab saarneed gaari markii qof gaari cawlan saarnaa uu agteeda soo istaagay, sida ay booliisku sheegeen. Waaxda Bpploska Chicago(CPD) waxay sheegtay in qof saarnaa gaariga cawlan uu bilaabay inuu rasaas ku furo. Gabadha oo 32 jir ah ayaa laga toogtay madaxa. Booliska ayaa sheegay in loo qaaday Isbitaalka Mt. Sinai iyadoo xaaladeeda caafimaad ay aad u liidato. Alderman-ka degmada shan iyo tobnaad Raymond Lopez ayaa sheegay in toogashada ay dhacday sababo la xiriira caro ka dhalatay wadada. "Ilaa hadda, markhaatiyaal ayaa aqoonsaday gaari afar albaab ah oo cawlan oo Toyota Scion ah oo leh meel baaskiil gadaal ah oo loogu talagalay inuu yahay gaariga dembiga galay ee ka cararaya koonfur-galbeed ee Western Ave. ka dib toogashada," Lopez ayaa ku yiri baraha bulshada.
ISHA-WARBAAHINTA.