TOOGASHO KA DHACDAY WAQOOYI-BARI MINNEAPOLIS.

(MUUQAALKA)-BAABUURKA BOOLISKA.

(MINNEAPOLIS/MNN)-DEG DEG:-Booliska ayaa baaraya toogasho dhimasho leh oo subaxnimadii hore ee Axadda maanta ah ka dhacday dhisme dabaq ah oo ku yaal Waqooyi-bari Minneapolis. Sida uu sheegay Sgt. Garrett Parten, afhayeenka Waaxda Booliska ee Minneapolis, toogashada ayaa la soo sheegay iney tahay mid dhacday abbaare (5:40)-AM subaxnimo meel u dhow isgoyska waddooyinka Broadway iyo Second labaad. Saraakiisha oo ka jawaabayay goobta ayaa helay nin lagu toogtay jaranjaro dhisme dabaq ah. Waxaa loo qaaday Xarunta Caafimaadka ee Hennepin County, halkaas oo lagu dhawaaqay inuu u dhintay dhawicii soo gaaray. Baarayaasha ayaa aaminsan in toogashada tahay mid ka dhalatay muran u dhexeeyey kan wax toogtay iyo kan la toogtay. Parten oo afhayeenka ayaa sheegay in booliisku aysan wax xarig ah sameynin oo eysan jirin cid ilaa hadda loo qabtay toogashadda sababtay dhimashada. LA SOCO.

ISHA-CBS.


Next
Next

BARAKAC XOOGAN OO CAAWA KA JIRA AAGA UU WADAJIR KA DEGAN YAHAY SHEEKH SHARIIF.