TOOGASHO KA DHACDAY ISKUUL KU YAALO…
HALKA EEY KA DHACDAY TOOGASHADA.
(MOSCOW)-Nin hubaysan ayaa rasaas ku furay dugsi bartamaha dalka Ruushka maanta oo Isniin ah,toogashada ayaa waxaa lagu dilay 15-qofood waxaane lagu dhaawacay 24-qofood oo kale ka hor inta uusan is dilin qofka gaystay toogashada waxane sidaas sheegtay dawladda Ruushka.Toogashada ayaa waxa eey ka dhacday dugsiga tirsigiisu yahay(88) ee magaaladda IZHEVSK oo 960 kiloomitir bariga kaga beegan magaaladda caasimadda ah ee Moscow ee gobolka UDMURTIA.
ISHA WARKA AP.