TOOGASHO KA DHACDAY DALKA MARAYKANKA.
GOOBTA EEY KA DHACDAY TOOGASHADA.
(RALEIGH)-Wiil shan iyo toban jir ah ayaa gaystay toogasho aad u xun kuna dilay laba qofood oo wada maraayey gudaha Caasimadda Gobolka Waqooyiga Karolayna Raleigh ee dalkaasi Maraykanka maalintii shalay oo Khamiis ahayd gelinkeedii dambe.Wiilka gaystay toogahsada ayaa la soo sheegaya inuu isaga baxsaday goobta waxa uuna u baxsaday meel eey maraan dadka lugeeyo waxa uuna ku furay rasaas waxane ku dhintay seddex qofood oo kale waxaane ku dhaawacmay laba qofood sida uu sheegay booliska magaaladda Raleigh. Dadka ku dhintay weerar uu gaystay wiilka yar ayaa da’adooda u dhexeysaa 16-jir ilaa 50-jir dadka ku dhaawacmay mashqadaan ayaa waxaa ka mida nin boolis ah balse aan shaqeyneyn waqtigaas.
ISHA WARKA AP.