TOOGASHO KA DHACDAY BARTAMAH ISRAA’IIL MAANTA.
(SAWIRKA)-BAABUURKA GARGAARKA DEG DEGA AH.
(KOCHAV YA’ir/ISRAEL)-Wararka laga helaayo bartamaha Israa’iila ayaa sheegaayo in Hay'adda ambalaaska ee MDA ey sheegtay in hal qof uu dhintay shan kalena ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jiraan laba xaaladood oo halis ah, is rasaaseyn Axadda maanta ah ka dhacday aagga Kochav Ya'ir ee bartamaha Israa'iil. Wargeyska maalinlaha ah ee Yedioth Ahronoth ayaa sheegay in dhaawacyada ay ka dhaceen goob shidaal oo u dhow Kokhav Ya'ir, meel kale oo ku taal Tzur Yitzhak, iyo wadada weyn ee 5533. Wargeyska maalinlaha ah ayaa sheegay in la toogtay nin u dhashay Israa'iil oo Carab ah, halka ciidamada ammaanku ay bilaabeen baadigoob lagu raadinayo qof kale oo la tuhunsan yahay. Ciidanka Israa'iil ayaa sheegay inay heleen warbixino ku saabsan dhowr dhacdo oo toogasho ah oo ka dhacay deegaannada Sal'it iyo Tzur Yitzhak, isla markaana ay ciidamo geeyeen halkaas.
ISHA-ANADOLU.