TIRO BADAN OO ALSHABAB AH OO LAGU LAAYEY SHABEELADDA HOOSE.

(SAWIRKA)-HAWLGALKA AUSSOM.

(SH/HOOSE/KGS)-Ciidanka Qaranka Soomaaliya (SNA), oo kaashanaya Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Ciidamada Difaaca Dadka Uganda (UPDF), iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah, ayaa maanta si wadajir ah u fuliyay hawlgal guul leh oo ka dhan ah maleeshiyada AL-Shabaab oo ka dhacay agagaarka Saldhigga Hawlgalka ee Bulunagaad (FOB), Gobolka Shabeellaha Hoose. Hawlgalkan, oo ay taageerayaan Diyaarado, ayaa sababay iney ku dhintaan dagaalyahannada AL-Shabaab. Iyada oo loo marayo weerarro isku xiran oo dhulka iyo cirka ah, in ka badan 30 dagaalyahan oo AL-Shabaab ah ayaa laga saaray goobta, halka dhowr kalena ay soo gaareen dhaawacyo. Maleeshiyaadku waxay horey u weerareen ciidamada SNA iyo AUSSOM iyagoo fulinayay howlgallo baacsi ah oo ka dhan ah haraadiga dagaalyahannada AL-Shabaab ee ka soo cararay magaalooyinka xeebta ee Gendershe iyo Jilib-Marka intii lagu jiray hawlgallada ay hoggaaminayso SNA ee loogu magac daray Hawlgalka Seefta Qarsoon. SNA, AUSSOM, iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa si deg-deg ah oo go'aan leh u qaaday tallaabo ay ku joojinayaan khataraha argagixisada ee bartilmaameedsanaya ciidamada amniga iyo dadka rayidka ah ee aagga. SNA iyo AUSSOM, oo si dhow ula shaqeynaya la-hawlgalayaasha, ayaa weli ka go'an ilaalinta nolosha dadka rayidka ah, ilaalinta amniga, iyo hubinta dhaqdhaqaaqa badbaadada leh ee gargaarka bani'aadamnimada iyo sahayda saadka ee bulshooyinka maxalliga ah. Ciidamada wadajirka ah waxay sii wadi doonaan howlgallada lagu wiiqayo awoodaha hawlgal ee Al-Shabaab iyo sidii loo horumarin lahaa nabad waarta, xasillooni, iyo amni ka jirta Soomaaliya.

Previous
Previous

BU’AALE OO LAGU DILAY HORJOOGAYAAL ALSHABAAB AH.

Next
Next

MARAYKANKA OO KU SIME U SOO MAGACABAY SAFAARADIISA SOOMAALIYA.