TIRADA MAXAABIISTA YAHUUDA OO GAARTAY-200.
(SAWIRKA)-KHAALID MASHCAL MADAX XAMAAS.
(QUDUS)-Maalintii Sabtida ee ina soo dhaaftay ayey ahayd markii xoogaga XAMAAS ee reer Falastiin ey Yahuuda ku qaadeen weerar ey ugu magac dareen “DUUFAANTII AL-AQSA’A” weerarkaan ayaa waxaa ka dhashay dhimasho,dhaawac iyo dad fara badan oo lagu la’ayahay goobihii la weeraray sida goob ey ka socotaya xaflad Muusiko ah eyna isugu yimaadeen dadyaw kala wata jinsiyado kala gedisan amaba haysta jinsiyada Yahuuda iyo mid kale,hadaba maanta oo Talaada ah lana maraayo maalintii afaraad ee dagaalka u dhexeeyo Yahuuda iyo Xamaas ayaa waxaa soo baxay warar sheegaayo in dalal kale gedisan ey sheegeen tirada dadka uga dhintay weerarkii dhacay sabtida iyo tirada la la’ayahay waan sidan:
DALKA DHIMASHO LA LA’AYAHAY.
MARAYKAN 11-QOF MA JIRTO.
THAILAND 18-QOF 11-QOF.
NEPAL 10-QOF MA JIRTO 4-DHAAWAC AH.
FARNCE 8-QOF 20-QOF.
ARGENTIN 7-QOF 15-QOF.
RUSSIA 4-QOF 6-QOF.
YUKRAYN 2-QOF MA JIRTO.
UK 2-QOF 1-QOF.
CANADA 1-QOF 3-QOF.
CAMBODIA 1-QOF MA JIRTO.
GERMANY MA JIRTO MA JRTO. 1-DHAAWAC AH.
PHILIPPINES MA JIRTO 5-QOF.
CHILE 3-QOF 3-QOF.
PERU 2-QOF 5-QOF.
AUSTRIA MA JIRTO 3-QOF.
BRAZIL 1-QOF 3-QOF.
ITALY MA JIRTO 2-QOF.
SRI LANK MA JIRTO 2-QOF.
TANZANIA MA JIRTO 2-QOF.
MEXICO MA JIRTO 2-QOF.
COLOMBIA MA JIRTO 2-QOF.
IRLAND MA JIRTO 1-QOF.
Wararka ku saabsan dagaalka u dhexeeyo Xamaas iyo Yahuuda ayaa sheegaayo in tirada dhimashada Yahuuda iney maanta oo Talaada ah marayso ilaa 1200-qofood dhaawacana uu kor dhaafay ilaa 3000-qofood,tirada Yahuuda ee ku jirto gacanta Xamaas ayaa gaareyso ilaa 200-qofood. Khaalid Mashcal oo ah madaxa Xamaas ayaa Ummadda Islaamka ee ku nool adduunka iyo dhammaan wadamadda Carabta oo dhan ugu baaqay in maalinta Jumcaha ee soo socoto la sameeyo banaanbax loogu magac daray”DUUFAANTII AL-AQSA’A” si loo dhiirigeliyo ummadda Falastiin.
ISHA/SUUQBACAAD MEDIA.
MUQDISHO-SOMALIA.