TIRADA DHIMASHADA EE SHILKII AIR INDIA OO KORORTAY GAARTAYNE…
(SAWIRKA)-BURBURKA DIYAARADDA AIR INDIA.
(INDIA)-Dhimashada shilkii ba'anaa ee diyaarada Air India ee duulimaadkeedii ahaa 171 ayaa kor u kacday gaartay ugu yaraan 270 sida ey saraakiishu u sheegeen Warbaahinta Maxaliga ah Sabtida maanta ah halka markii hore ey tiradu ahayd 265. Diyaaradan oo nooceedu ahaa Boeing 787 Dreamliner ayaa ku dul burburtay Hoyga ardayda barata Caafimaadka waxyar ka dib markii ey ka soo duushay magaalada Ahmedabad iyadoo ku sii jeeday Garoonka Diyaaradaha ee Gatwick ee magaalada London Khamiistii. 242 ka mid ah rakaabkii saarnaay diyaaradda burburtay hal qof oo kaliya ayaa ka badbaaday,waane Vishwashkumar Ramesh oo haysta dhalashada Ingiriiska. Dhowr qof oo kale oo goobta ku sugnaa ayaa sidoo kale la dilay.
QOYSASKU WAXAY SUGAYAAN BAARITAANKA DNA-DA KA DIB BURBURKA AIR INDIA:
Maamulka ayaa ku guda jira nadiifinta qashinka iyo in la baaro DNA-da si loo ogaado meydadka laga helay goobta shilku ka dhacay. Dhaval Gameti oo ka tirsan cisbitaalka madaniga ah ee Ahmedabad ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee AP in ilaa 270 mayd la helay. Qaar badan oo haraaga ah ayaa la gubtay mana la aqoonsan karo kuwa ey yihiin. Ehelada dhibanayaasha ayaa soo gudbiyay tijaabada DNA-da ee isbitaalka, iyadoo qaarkood ey rajo xumo ka muujiyeen waqtiga la qaatay si loo aqoonsado dhibanayaasha. Tirada rasmiga ah ee dhimashada ayaa kaliya la soo gabagabeyn doonaa ka dib marka la dhammeeyo aqoonsiga DNA-ga. Imtixaanku wuxuu inta badan qaataa 72 saacadood laakiin mas'uuliyiintu waxay sheegeen iney isku dayayaan iney dardargeliyaan hawsha.
"Aaway caruurteydii, miyaad soo kabsatay?" Rafiiq Abdullah, oo xubnaha qoyskiisu ey diyaaradda ku jireen, ayaa waydiiyay AP. "Waa inaan su'aalo weydiiyaa, dowladdu kama jawaabto su'aalahan."
WAA SIDEE XAALADDA BAARITAANKA SHILKA?
Dowladda Hindiya ayaa sameysay guddi ka kooban edbin oo kala duwan uuna hoggaaminayo Xoghayaha Arrimaha Gudaha si ey u baaraan dhacdada. Guddigu waxay diiradda saari doonaan samaynta SOPs (Nidaamyada Hawlgelinta caadiga ah) ee loo isticmaalo mustaqbalka," ayey tiri Wasaaradda Duulista Rayidka ee Hindiya. Warbixin ayaa la filayaa in lagu soo gudbiyo saddex bilood gudahood.
MAXAA SABABAY BURBURKA DIYAARADDA AIR INDIA?
Wakaaladaha kale ee dowladda ayaa sidoo kale sameynaya baaritaanno kala duwan, Wakaaladda Wararka dalka Hindiya ee PTI ayaa sidaas soo werisay. Diyaarada Air India ayaa sheegtay in Duulimaadka ey la socdeen 169 Rakaab Hindi ah, 53 Ingiriis ah, 7 Boortaqiis ah iyo Hal Kanadiyaan ah iyo 12 Shaqaale ah. Duulimadku waxa uu soo saartay wicitaan mayday wax yar uun ka hor inta aanay shilku dhicin 1:38 pm wakhtiga maxaliga ah (0808 GMT). Maamulka duulista ee Hindiya ayaa sidoo kale Sabtidii sheegay in diyaaradda ay bilowday inay soo degto ka dib markii ay gaartay 650 cagood (ku dhawaad 200 mitir).
Baarayaasha ayaa soo helay mid ka mid ah duubayaasha sanduuqa madow ee diyaaradda , waxaana ay wali baadi goobayaan kii labaad. Xafiiska Baaritaanka Shilalka Diyaaradaha ayaa sheegay iney bilaabeen iney "Xoog buuxa" ka shaqeeyaan si ey xogtaas u soo saaraan. Shirkadda diyaaradaha Maraykanka ee Boeing ayaa sheegtay iney la xiriirtay Air India oo ey sheegtay iney taageero siin doonto.
ISHA-DW.