TIRADA DADKA U TAHRIIBO TALYAANIGA OO KORORTAY.

(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAASHA GAARAY TALYAANIGA.

(ATHENS)-Tiro muhaajiriin aan sharci ahayn ayaa soo gaaray dalka Talyaaniga ayago maray badda Miditereniyanka,waxaane labalaabantay tirada Muhaajiriinta aan sharciga ahayn ee gaartay dalka Talyaaniga todobadii bilood ee ugu horeysay sannadkan 2023-da marka la barbardhigo muddo tan la mida ee sannadkii tegay 2022-kii,sidaas waxaa baahisay warbaahinta dalka Talyaaniga maanta oo Arbaca ah. Dalka Talyaaniga ayaa diiwaan geliyey tiro Muhajiriin aan sharci ahayn oo dhan 89,158-qofood inta u dhexeysay Jan ilaa Luliyo-2023-ka halka sannadkii inaga tegay ee 2022-kii bilihisa Jan ilaa Luliyo ey Talyaniga soo galeen 41,435-qofood oo Muhaajiriin aan sharci ahayn kana so galay dhinaca badda Miditereniyanka,warbixinta ayaa sheegtay in 115.18% iney korortay tirada Muhaajiriinta aan sharciga ahayn ee gaartay dalka Talyaaniga,sidaas waxaa laga soo xigtay Wakaaladda Wararka dalka Talyaaniga ee ANSA,Talyaaniga ayaa sheegay in dadka ugu badan ee u soo Tahriibay dalkiisa sannadka-2023-ka ey ka yimaadeen dhinaca dalka Tunisiya.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

TAHRIIBKA OO KU BATAY INGIRIISKA.

Next
Next

TANZANIA OO XABSIGA U TAXAABTAY SIAYSIYIIN.