TARTANKA K/CAGTA G/BANADIR OO MARAAYO…
GAROONKA ENG.YARIISAW.
(MUQDISHO)-Tan iyo markii xilka Gudoomiyaha Kubadda Cagta ee Gobolka Banaadir loo magacaabay Mudane Haaruun Cabdi Maxamed cayaaraha Gobolka Banaadir waxa ey ku talaabsadeen horumar la taaban karo horumarkaas waxaa ka mid ah tartanka hadda sida habsamida leh uga socdo Garoonka Kubadda Cagta ee Eng.Yariisaw ee degmada C/casiis Gobolka Banaadir. Tartankaan ayaa waxaa ku tartamaayo kooxaha kubadda cagta ee degmooyinka Gobolka Banaadir iyo degaanada ku dhaw,tartanka ayaana hadda maraayo heer gabagaba ah waxaane cayaarta kama dambaysta ah isugu haray kooxaha Gubadleey iyo Warta Nabada,labadaan kooxood ayaa ka soo kala badiyey kooxaha Yaaqshiid iyo Shangaani oo waxa ey uga soo wada badiyeen Rigoorayaal waxa eyna kulanadii ku soo dhammaadeen barbaro,hadaba su’aasha taagan ayaa ah yaa qaadi doono Koobka sannadkaan?
ISHA WARKA SBMEDIA.