TALIYE,SANDHEERE IYO FANAX AYAA LOO QABTAY…

(SAWIRKA)-QAAR KA MIDA ASKARTI KU DHIMATAY QARAXI KA DHACAY KULIYADDA JAALLE SIYAAD.

(MUQDISHO)-Qarax xoogan ayaa la soo sheegayaa inuu aroornimadii hore ee maanta oo Isniin ah(24/7/23)-ka uu ka dhacay gudaha Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaaladda Muqdisho,Kuliyadda Jaalle Siyaad ayaa hadda ah Saldhiga Ciidamada Lugta ee Xooga Dalka Soomaaliyeed. Waqtiga uu dhacaayey Qaraxa ayaa la sheegay in ciidamadu sameynayeen tababar qofka is Qarxiyeyne uu ka mid ahaay ciidamada la siinaayey tababarka,tirada ciidamada uu naftiis haligaha isku dhex qarxiyey ayaa ahaay 50-askeri,waxaane dhaawacmay in ka badan tobaneeyo waxaane jirto dhimasho lagu qiyaasay ilaa sagaal askeri balse waxa jiro askar uu dhaawacoodu yahay mid halis ah. Dhacdadaan xanuunka badan ayaa loo qabtay saraakiil ka tirsan CXDS uuna ugu horeeyo Abaanduulaha Ururkaan iyo taliyeyaasha kala Fanax iyo Sandheere ciidamadaan Qaraxa lala beegsaday ayaa ka wada tirsan Guutada 14-ka Oktoobar ee XDS,waxaane su’aalo laga weydinayaa sida ey ugu suuragashay askeriga isqarxiyey inuu la soo galo xerada gudaheeda waxyaabaha qarxa? Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Maxkamada CXDS ujeedka Qaraxii maanta ka dhacay Saldhiga Ciidamada Lugta ee XDS ahne Kuliyadda Jaalle Siyaad ayaa ahaay in lagu khaarijiyo Taliyaha CXDS Gen.Ibrahim Sheekh Muxyadiin oo la rabay inuu hadal kooban ka jeediyo xerada ciidamadda lugta,balse Qaraxa ayaa dhacay waqti ka horeeyey waqtigii uu taliyaha imaan lahaay xerada.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

DALKA TUNISIYA OO DHAQAALE KU QADATAY…

Next
Next

SHIRKA ROME YAA SOMALIA KU METELAYO?