TALIYE KU-XIGEENKA BOOLISKA S/G.ZAKIYA OO…

(SAWIRKA)-WAFDI SARE OO KA SOCDO BOOLISKA TURKIGA.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Taliye ku Xigeenka Booliska S/Guuto.Zakiya Xuseen Axmed ayaa Garoonka Diyaadaha ee Caalamiga ah ee Aden Cadde waxa ey ku soo dhaweysay Madaxa Xiriirka Dibadda ee Ciidanka Booliska dalka Turkiga Md.Gokhan Demirtila iyo Ku-Xigeenkiisa Md.Turgay Olgun. Wafdigaan ka yimid dalka Turkiga ee uu Hogaaminaayo Md.Demirtila waxaa caasimadda Muqdisho ku casuumay inuu soo gaaro Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/G.Sulub Axmed Firin. Masuuliyiinta ka socoto dalka Turkiga ayaa ujeedka safarkooda Soomaaliya uu yahay mid salka ku haayo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo wada shaqeynta labada ciidan,kordhinta mashaariicda ey dawaldda Turkiga ku taageerto Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan ciidamadda Haramcad oo ah ciidan ka tirsan Booliska Soomliyeed una hawlgala sida ciidamadda Kumaandooska ee CXDS.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

KENYA OO RABTA INEY WAX KA BEDESHO HOGAANKA EAC.

Next
Next

MUCAARADKA OO SABTIDII KU SHIRAY NAIROBI.