TALIYAHA CXDS OO SHIR GUDOOMIYEY KULANKA AMNIGA EE BAYDHABO.

(SAWIRKA)-TALIYAHA CXDS.

(BAYDHABO/KGS)-Wararka ka imanaayo caasimadda ku meel gaarka ah ee Dawlad Gobioleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaayo in Kulanka looga hadlay amniga deegaannada Koonfur Galbeed iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta in caawa lagu qabtay magaalada Baydhabo, iyadoo diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha lagu xaqiijinayo amniga guud. Kulanka waxaa ka qeyb galay Taliyeyaasha ciidamadda, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee ciidamadda qalabka sida iyo saraakiil kale oo muhiim ah, kuwaas oo ka wada hadlay istaraatiijiyadda lagu xoojinayo dagaalka iyo sugidda amniga shacabka. Shirka ayaa waxaa shir guddoominayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, kaas oo faray saraakiisha in la laba jibaaro dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta iyo in si dhow loola shaqeeyo shacabka. Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada si loo xaqiijiyo xasillooni waarta. Dhinaca kale,Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Wada Hawlgaladii Lagu Baacsanayey Khawaarijta Ayaa Deegaanka Abaar Cano Wayn Oo U Dhaxeeysa Deeganka Yasooman & Degmada Moqokari Ee Bariga Gobolka Hiiraan Waxa Weerar Dhaba gal ah lala beegsaday Maleeshiyad Ka tirsan Khawaarijta Oo Watay Gaadhi Nooca Cabdi bile ah iyadoona Halkaas Lagu Gubay Gaarigii laguna Dilay Maleeshiyadkii saarna Sida Warbaahinta Ciidamada U Xaqiijiyey Taliyaha Qaybta 27’aad Ciidanka Dhulka XDS Cornayl Cali Cagay. Geesiyaasha Hawlgalkan Fuliyey Ayaa Si nabada ku soo gaadhay Goobihii Ay Weerarka Ka qaadeen iyadoona Ay Soo qaniimaysteen Hubkii Ay Wateen Argagixisadu. Hawgalkan Ayaa Qayb Ka ah Hawlgalada Ay Wadaan Geesiyaasha XDS Taas Oo Lagu Bartilmaameedsanayo Kooxda Gabalkeedu Dhacay ee ALshabaab.

ISHA-SNA-RADIO.

Previous
Previous

CIIDAMADDA KUMAANDOOSKA GOR-GOR OO SOO QABTAY HORJOOGE SALAAD DHEERE.

Next
Next

MW-Dr. XASAN SHEEKH OO GAARAY MAGAALADDA BAYDHABO.