TALIYAHA CIIDANKA DHULKA GEN.DAYAX OO GAARAY…

(SAWIRKA)-TALIYAHA CIIDANKA DHULKA.

(RUUN-NIRGOOD)-Wararka laga helaayo Degmada Ruun-Nirgood ee Gobolka Shebeeladda dhexe ee maamulka H/shabeele ayaa sheegayo in Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen.Dayax Cabdi C/lle uu maanta gaaray degaanka Cadaan Laxey ee hoostaga Degmada Ruun-nirgood ee G/shabeeladda dhexe,Taliyaha ayaa kormeer ku sameeyey fariisimadda kala duwan ee ciidanku ku leeyahay aaga degaanka Cadaan-Laxey,wuxuuna saraakiisha ciidanka ee ku sugan difaac hore ka dhegaystay warbixin la xiriirta hawlaha shaqo ee ciidanka. Taliyaha ayaa goob fagaar kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidanka,isagoo amar ku siiyey in loo dhaqaaqo godadka maleeshiyaadka Alshabaab ey ku dhuumaaleysanayaan. Dhinaca kale,Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Jubaland oo sikaashanaayo ayaa galabta kooxda Alshabaab kala wareegay degaan istaraatiiji ah oo lagu magacaabo FILFILE,kaaso dhaca Waqooyiga degaanka Buulo-Xaaji ee G/Jubadda Hoose. Saraakiisha Ciidanka hawlgalka sameeyey ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in degaanka FILFILE uu Alshabaab u ahaay meel ey ku qaadaan lacagaha baada ah isla markaasne ey dhibaato ugu gaystaan dadka shacabka ah. Gobolka Bakool,Ciidanka Nabad sugidda iyo kuwa Booliska ee degmada Xudur ayaa sameeyey hawlgal amniga lagu xaqiijinaayo si looga hortago falalka amniga lidka ku ah. Ciidanka aya hubin ku sameeyey Gaadiidka iyo dhallinyaradda iyo xaafadaha degmada si loo adkeeyo amaanka loogana saaro cid kasta oo xiriir la leh kooxda Alshabaab,ugu dambeyntii shacabka degmada Xudur ayaa soo dhaweeyey hawlgalkan amni xaqiijinta ah iyagoo xusay ineey si dhaw ula shaqeyn dooonaan Hayadaha Amaanka ee degmada Xudur. Waxaan weli ku jirnaa wararkii Alshabaab,Xubin ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Kumaandooska Danab,ninkaan isa soo dhiibaya ayaa lagu magacaaba C/raxman Maxamed C/laahi magaciisa fagarashaddana waa “C/nasir iyo Geneey”. C/raxmaan ayaa kooxda Alshabaab waxa uu uga soo biiray G/Bakool ka dib markii adeerkiis uu ku tashkiiliyey ku biirista kooxda Alshabaab gaar ahaan kuwa loogu yeero Jabhadda. C/raxmaan ayaa kooxda Alshabaab ka tirsanaay inteey jirtay oo dhan 16-sano,waxa uuna ka qeyb qaatay dagaalo ka dhacay Goboladda J/Hoose,Sh/Hoose,Hiiraan,Mudug iyo Galgaduud uu hadda iska soo dhiibay.

ISHA/SNA-RADIO.

Previous
Previous

MW-XASAN OO FURAY KALFADHIGII 5-AAD EE BJFS.

Next
Next

DALKA INGIRIISKA OO YEESHAY REYSAL WASAARE CUSUB.