TALIYAHA CIIDAMADDA JABUTI OO SOO GAARAY SOOMAALIYA.

(MUUQAALKA)-MW-XASAN SHEEKH IYO TALIYEYAASH SOMALIA IYO JABUTI.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab, iyadoo qeyb ka sii ahaan doonta Howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM. Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Dalka Jabuuti, Sakariya Sheekh Ibraahim iyo Saraakiil kale oo soo gaarey Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Kulanka oo ka qabsoomay Villa Somalia ayaa waxaa diiradda lagu saarey Iskaashiga Amniga ee Jabuuti iyo Soomaaliya gaar ahaan sidii loo sii xoojin lahaa Howlgallada ka dhanka ah AL-shabaab. Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay dhaqaale la’aanta ay wajahayaan Ciidamada AUSSOM, iyadoo saraakiisha Jabuuti caddeeyeen in ay ciidamadooda ay sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dowladda Jabuuti iyo Saraakiishan ciidan uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab iyo Nabadeynta Soomaaliya. Dalka Jabuuti ayaa kamid ah wadamada Ciidamada Nabad Ilaalinta u soo diray Soomaaliya, iyadoo ciidamadooda ku kala sugan yihiin qeybo ka mid ah maamuladda H/shabeelle iyo G/mudug.

ISHA-MM.


Previous
Previous

CIIDAMADA PUNTLAND OO WEERARAY XERADA PSF EE GAALKACYO.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH IYO UGAASKA BEESHA XAWAADLE MAXAY ISKU AFGARTEEN?