(MUUQAALKA)-BURHANU.
(ADDIS ABABA/ETHIOPIA)-Taliyaha Ciidamada Difaaca Itoobiya, Jeneraal Birhanu Jula, ayaa hadal uu ka jeediyey magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray ku sheegay in magaalada Saylac ee Somaliland ay ka mid tahay goobaha uu ku tilmaamay dhul taariikhi ah oo ay leeyihiin dadka Tigreegu. Jeneraal Birhanu Jula oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Mekelle, ayaa kulamo la yeeshay qaybo ka mid ah bulshada deegaanka, isaga oo ka jawaabayey su’aalo ay dadweynuhu weydiiyeen, waxaana hadalladiisa baahiyey warbaahinta dowladda Itoobiya. Mar uu ka hadlayey xidhiidhka taariikheed ee Tigreega iyo deegaanno kala duwan ayuu sheegay in aanay jirin cid ka Itoobiyaansan dadka Tigreega, isaga oo tusaale u soo qaatay goobo uu sheegay inay taariikh ahaan la xidhiidhaan dadkaas. "Adwa waa Tigree, Nejashi waa Tigree, Aksum waa Tigree, Dogali waa Tigree, Gundhat waa Tigree, Saylacna waa Tigree," ayuu yidhi Jeneraal Birhanu Jula. Waxa uu intaa ku daray in juquraafiga iyo xuduudaha Itoobiya ee maanta jira la sameeyey waqti dhow, isaga oo sheegay in dadka Tigreegu door ku lahaayeen samaysanka qaab-dhismeedkaas, isla markaana uu sheegay in aanay dowladda Itoobiya iyo shacabkeedu inkirsanayn arrintaas, balse ay diiddan tahay Jabhadda TPLF. Goobaha uu taliyuhu magacyadooda xusay waxa ka mid ah Adwa, Aksum iyo Nejashi oo ku yaalla gobolka Tigray, halka Dogali iyo Gundhat ay yihiin goobo taariikhi ah oo ku yaalla Eriteriya oo lagu xasuusto dagaalladii taariikhiga ahaa ee gobolka, Saylacna ay tahay magaalo xeebeed ku taalla Somaliland. Hadalkan ayaa soo jiitay dareenka shacabka Somaliland iyo guud ahaan Soomaalida, maaddaama Saylac ay tahay magaalo taariikh dheer leh oo ku taalla xeebaha Somaliland. Madaxda Itoobiya ayaa muddooyinkii u dambaysay caadaystay sheegashada dhulal anay layn oo u badan Eriteriya, waxaana sabab u ah dadaalka ay Itoobiya ugu jirto sidii ay ku heli lahayd marin-badeed, arrintaas oo dhalisay xiisado siyaasadeed iyo kuwo diblomaasiyadeed oo gobolka ka taagan.
ISHA-HOL.