SOOMALIYA OO DALKA KA CEYRISAY KU-XIGEENKA ATMIS.
(SAWIRKA)-BAM.
(MUQDISHO)-Dowladda Soomaaliya ayaa amartay in uu dalka ka baxo Ku-Xigeenka labaad ee howlgalka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika (ATMIS), ka dib hadal uu ka jeediyay kulan xiran oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay yeeshay 9-kii April, kaasoo si weyn uga careysiiyay maamulka Muqdisho. Sivuyile Thandikhaya Bam ayaa la filayey inuu ka dhoofo Muqdisho maanta oo ah 23-ka April, isagoo kusoo laabanaya Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa. Bam oo ah Ku-Xigeenka ku-meel-gaarka ah ee ATMIS, ayaa lagu qasbay inuu dalka ka baxo, ka dib markii dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah ugu wargelisay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahamoud Ali Youssouf, inay doonayso in Bam laga dhigo “qof aan la rabin” (persona non grata). Khilaafkan ayaa ka dhashay hadallo uu Bam jeediyay 9-kii April intii lagu jiray kulan gaar ah oo Golaha Ammaanka uu yeeshay, iyadoo Soomaaliya ay ka tirsan tahay xubnaha aan joogtada ahayn tan iyo bilowgii sanadka. Bam ayaa sharaxay khataraha ka dhashay weeraro ay kooxda AL-Shabaab dhowaan ka fulisay gudaha dalka. Kooxda Islaamiyiinta ah ee xiriirka la leh AL-Qaacida ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay la wareegay dhul ku yaalla Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxayna gaareen ilaa 30 kiiloomitir meel u jirta caasimadda Muqdisho. Hadallada Bam ayaa waxaa si weyn uga caroodey Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Macallin Fiqi, oo xitaa ku eedeeyay inuu taageero siinayo kooxda Al-Shabaab.
KHILAAFKA SOO JIITAMAAYEY:
Khilaafka u dhexeeya Bam iyo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu laabanaya xilligii uu Bam madax ka ahaa Waaxda Taageerada Howlgalka Nabadda ee Guddiga Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, xilkaasoo uu hayay intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2021. Markii la magacaabay Bam bishii December 2023 si uu ugu biiro ATMIS, dowladda Soomaaliya horraantii way ka biyo diidday, balse ugu dambeyn way aqbashay. Sidoo kale, sanadkii 2022, Francisco Madeira oo ahaa madaxa hore ee ATMIS, ayaa isla sidaas oo kale dowladda Soomaaliya uga codsatay inuu dalka ka tago. Iyadoo maanta, 23-ka April uu kulan u furmay waddamada ciidanka ku darsanaya howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo la filayo inuu ATMIS beddelo laga bilaabo bisha Luulyo, ayaa suurtagalnimada in Bam ka qayb galo kulankaas u muuqatay mid mugdi ku jiro. Shirkaasi ayaa ka dhacaya magaalada Kampala, waxaana ka qayb galaya Madaxda Dowladda Federaalka, Madaxda Guddiga Midowga Afrika, iyo wakiillo ka socda Waddamada Itoobiya, Masar, Jabuuti iyo Kenya. Kulanka ayaa diiradda lagu saaraya sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha dhaqaale ee haysta AUSSOM. Bam waxaa si ku-meel-gaar ah loogu beddeli doonaa magaalada Muqdisho Jeneraal Sam Kavuma oo u dhashay dalka Uganda, kana tirsan ciidamada ATMIS. Markii Caasimada Online ay isku dayday inay la xiriirto afhayeenka Guddiga Midowga Afrika, kama helin wax jawaab ah.