SOOMAALIYA OO YEELATAY MADAXWEYNIHII 10-AAD.
(MUQDISHO)-Maanta oo ah Axad kuna beegan 15/5/22-ka ayaa waxaa doorasho Madaxweyne eey ka dhacday dalka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya,doorashadaan ayaa soo jiitamaysay in mudda ah waxayna ahayd in la qabto bishii Febraayo-2021-kii balse ma eeysan dhicin oo waxaa jiray caqabaddo adag oo hortaagnaay in la qabto doorashadda Madaxweyne. Doorashadda Madaxweyne ee sannaddka- 2022-2026-ka ayaa waxa isu diiwaan geliyey musharixiin gaaraayo 39-musharax eeyna ka mid yihiin seddex Madaexweyne oo horay u soo qabtay xilka Madaxweyne ee dalka Soomaaliya. Doorashadda oo ka dheceeysay Teendhada Afisyooni kuna dhextaalo xarunta sida aadka ah loo ilaaliyo ee Xalane ayey doorashadu ka bilaabatay 10:00-AM sidii loo balansanaay waxaane goobta ku sugnaay gudoonka labada aqal ee baarlamaanka JFS,gudiga doorashadda madaxweyne,Musharixiinta iyo marti sharaf kale. Markii uu dhammaaday wareegii hore ee doorashadda ayaa waxaa ugu codad batay musharixiinta kala ah:
1-Siciid C/laahi Deni 64-Cod.
2-Maxamed C/laahi Farmaajo 59-Cod.
3-Xasan Sheekh Maxamuud 52-Cod.
4-Xasan Cali Khayre 48-Cod.
Sida uu qabo dasturka ku meel gaarka ah ee JFS waxaa wareega 2-aad u gudbi kara afarta musharax ee ugu cod badan sidaas darteed afartaas musharax ayaa galay tartanka wareega 2-aad waxayne kala heleen codad kala ah:
1-Xasan Sheekh Maxamuud 110-Cod.
2-Maxamed C/laahi Farmaajo 83-Cod
3-Siciid C/laahi Deni 68-Cod.
4-Xasan Cali Khayre 63-Cod.
Waxaa sidaas wareega 3-aad ugu gudbay labada ugu codad badan kalana ah Xasan Sheekh iyo Farmaajo.
Waxaane dhacday markii la galay wareegii 3-aad e doorashadda Madaxweyne ineey natijaddii noqotay sidan:
1-Xasan Sheekh Maxamuud 214-Cod.
2-Maxamed C/laahi Farmaajo 110-Cod.
Sidaas waxaa maanta xilka Madaxweynaha 10-aad ee JFS loogu dhaariyey mudane XASAN SHEEKH MAXAMUUD kaaso horay u soo noqday Madaxweynihii 8-aad ee dalka Soomaliya mudadii u dhexeysay 2012-2017-kii.
WAXAAN HALKAAN KA LENAHAY HAMBALYO MADAXWEYNAHA CUSUB EE SOOMAALIYA.